Fanaanada Fala Ee U Dhalatay Dalka Algeria Oo Si Rasmi Ah Iskaga Casishay Fankii Ay Sanado Badan Ku Soo Guda Jirtay!

Fanaanada Magaceeda la yidhaahdo Fala Al-jasaa’iriya ayaa waxa ay si toos ah u shaacisay in ay ka baxday fankii ay ku soo jirtay sanado badan .

Fanaanadan ayaa waxa ay iscasilaadeed ku shaacisay barnaamaj ka baxa telefiishanka Al-nahaar ee Dalkaasi Algeria,Fala ayaa waxa ay sheegtay in ay fanka iskaga casishay sababa badan awogood .

Fanaanada Fala ayaa waxa ay sheegtay in sababaha go’aankaasi ay qaadatay ku kalifay ay ka mid tahay in dad badan ka dhaga adaygeen isla markaana ay taageeri waayeen iyo sidoo kale in ay fanka ku fashilantay oo ay wax guul ah ka gaadhi wayday.

Fanaanada Fala ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka cabanayso xanuun ka haya laf dhabarta kaasi oo ay sabab u tahay da’deeda wayni waxaanay sheegtay in go’aankaasi ay qaadatay aanu marnaba ka soo noqosho lahayn.

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com