Fanaanada Farxiya Fiska Oo Hooyadeed Ku Geeriyootay Magaalada Muqdisho

Inaanilaahi Wa’inaa ilayhi raajicuun waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay fanaanada Farxiya fiska hooyadeed oo xanuunsanayd ilaahay hownaxariistee marxuumada ayaa waxay maanta ku geeriyootay magaalada muqdisho oo ay xanuun baryahanba u jiiftay,fanaanda ay dhashay ee Farxiya fiska iyo odaygeeda Bashiir Hanuuniye ayaa waxay u anbabaxeen in ay soo eegaan hooyadood oo xanuunsanaysay lakin waxaa timid qadartii alle oo waxaa intii ay diyaaradu ku sii jirtay dhexda ayaa waxaa geeriyootay hooyo Kaaho hada labadan fanaan ayaa waxay ku sugan yihiin oo ay gaadheen muqdisho oo ay kaga qaybgalayaan aaska hooyadood oo ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu naxariistiisa jano ka waraabiyo Aamiin Aamiin

 

Xigasho Maxamed Deeyoo

Faalo Ka Dhiibo

comments