Fanaanada Caanka ah ee u dhalatay Dalka Masar Ilhaam Shaahiin ayaa waxa ay qiratay in ay marar dhawr ah gashay qalniino kuwaasi oo ay ku qurxinaysay wajigeeda .

 

Ilhaam shaahin ayaa waxa ay sheegtay in ay sidoo kale isticmaashay Irbado ay ku dhuubaysay qoorteeda sidoo kalana ay cuni jirtay Kiniinada hurdada si ay u seexato laakin ay iska daysay kadib markii uu dhakhtarkeeda gaarka ahi u sheegay in kiniinada hurdadu ay sababi karaan in ay qaybta xasuusta ee maskaxdeedu ay dhiman karto.

Waraysi ay siisay Wargeyska Dunya Al-wadan ayaa waxa ay sheegtay in ay ka baxday Machadka Fanka ee Dalkaasi Masar gaar ahaab qaybta jilista balse ay markii hore jeclayd heesaha iyo ciyaarta ,Ilhaam ayaa sidoo kale sheegtay in ay la dhalatay Saddex wiil isla markaana ay tahay curadooda oo wiilashaasi ka yaryihiin.

Ilhaam ayaa diiday in si dhab ah u caddaysi sanadkii ay dhalatay waxa kaliya oo ay sheegtay in ay dhalatay 3dii bishii Junruary balse waxa ay qarisay sanadkii ay ahayd.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA