Fanaanada Jennifer Lopez oo Ka Warantay Dhibaatooyin ay ka Mudatay Jacaylka Raga iyo siday ugu Guul Daraysatay

jennifer-(2)New York, (Hawraar/Mucis):- Fanaanada caanka ku ah muusiga Pop-ka ee Jennifer Lopez oo 24-kii bishan aynu ku jirno ee July 2014-ka, u dabaal degtay 45-guurada dhalashadeeda, ayaa ka warantay dhibaatooyinka jacaylka raga ka qabsaday iyo sida ay ugu guul daraysatay lix nin oo ay jeclaatay.

Jennifer Lopez oo iyadoo aad u yar ku biirtay jilista filimada, Ayaan si wayn uga dhex muuqan, hasa yeeshee markii ay dhamaadkii qarnigii hore u wareegtay dhinaca muusiga ayay mar qudha si wayn uga soo shaac baxday dunida.

jennifer-(4)

Lopez oo ka mid ah hablaha codkooda iyo muuqoodaba la jecel yahay marka ay dhinaca muusiga noqoto, ayaa waraysi ay bixisay shan afartan jir markii ay da’deedu u buuxsan tahay oo laba maalmood ka hor ku beegnayd, kaga warantay lix nin oo ay jeclaatay iyo tobanaan kale oo ay dusha iska eeganayeen, laakiin waxa ay muujisay sida ay ugu khasaartay ee aanay guul uga gaadhin.

Jennifer Lopez ayaa xustay in dantu ku kaliftay inay dib ugu noqoto jacaylkeedi waayo waayo oo ah ninka lagu magacaabo, Marc Anthony, kaas oo ay is qabeen intii u dhaxaysay 1997 ilaa 2000.

Jennifer Lopez ayaa guursatay wixii intaa ka danbeeyay dhawr nin oo kale balse muu raagin guurkooda iyo xidhiidhkoodu midna waxaana ka mid ahaa, Cris Judd oo 2001-dii ay is guursadeen wakhti yar ka dibna ay kala tageen.

jennifer-(1)

 Waxa ku xigay jilaaga Ben Affleck, oo malaayiin dollar meherkeedi bixiyay, laakiin isaga laftiisa iskumay raagin oo waxay kala tageen sanadkii 2003-dii.

jennifer-(3)

Lix bilood ka dib waxa ay guursatay nin heesaa ah aadna loogu yaqaano qoob ka ciyaarka kaas oo aad uga yaraa laguna magacaabi jiray, Casper Smart, waxaanay isaga laftiisa is fureen sanadkii 2012-kii, waana sababta keentay in ay dib boodhka uga tunto jacaylkeedi ugu horeeyay, waxaanay xustay sida ay ugu guul daraysatay dhinaca jacaylka.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply