Fanaanada Lady Gaga Oo Af Carabi Ku Hadashay Si Ay U Dhiiri Galiso Ka Soo Qayb Galka Bandhig Faneed 20-ka Bishan Ay Dubai Ka Dhigayso

Fanaanada caalamiga ah ee Lady Gaga oo lagu wado in labaatanka bishan aynu ku jirno ee September ay bandhig faneed wayn ka qabato, magaalada Dubai ee dalka Isu Taga Imaaraatka carbeed, waxa ay ka hadashay xayaysiis loo sameeyay taageerayaasheeda lagu wado inay tigidhada xafladaas iibsadaan.

 gaga_04Sida ka muuqata muuqaal fidiyow ah oo laga baahiyay telefishnada iyo warbaahinta dunida, fananaada gaga_08Lady Gaga ayaa buun buuninta xayaysiiskaasi ku kaliftay, in iyada lafteedu afka carabiga ku hadasho, waxaana xayaysiiskaas oo aad u gaaban laga dhex arki karayay iyada oo ku dhawaaqaysa kelmado carabi ah ay ka mid yihiin Marxaba balse ay iyadu ugu dhawaaqayso Marhaba.

 Waxa kale oo xayaysiiska bandhig faneedka Lady Gaga ee Dubai lagu sheegay in masraxa ay ka dhigaysaa yahay mid si wayn, loo agaasimay oo lagu rakibay, qaboojiye aad u awood badan oo ilaa shan iyo todobaatan kun oo wat, awoodiisu tahay.

 Qaboojiyahaas ayaa la sheegay in dhamaan masraxa oo ah kuwa dusha banaan uu qaboojinayo, xaaladana ka dhigi doono, mid lagu raaxaysto, sidoo kale waxa soo baxayay warar sheegaya in tigidho badan oo badhig faneedkaas ah durba la iibsaday iyadoo wali wakhti laba todobaad ku dhow ay ka hadhsan yihiin wakhtiga la qabanayo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply