Fanaanada Madonna Oo Si Dhalashadeeda Ay Bilaa Buuq Ugu Xusto Fasax Ka Codsatay Taageerayaasheeda

Fananaada Madonna oo ka mid ah xidigaha ugu isticmaalka badan shabakadaha xidhiidhka bulshada, dhamaan noocyadooda kala duwana adeegsata, sida facebook, Twitter-ka, Anstgram iyo kuwo kale ayaa markii ugu horaysay ku baahisay codsi fasax ah oo ay taageerayaasheeda kaga dalbanayso inay u dulqaataan, wakhtiga kooban ee ay ku maqnaanayso xuska dhalashadeeda.

 

Madonna ayaa fariintan taageerayaasheeda ku waajahan ku sheegtay, in dhalashadeeda lix iyo kontonaad ay u dabaal degi doonto, bishan August ee aynu ku jirno 16-keeda sidaa awgeed ay rabto inay ku qabsato meel aan buuq iyo sawaxan midna lahayn oo raaxo ah.

Madonna ayaa sheegtay in ay u safartay dalka Faransiiska isla markaana ay sanad guurada lix iyo kontonaad ee dhalashadeeda ugu dabaal degi doonto, xeeb degan oo aan sanqad iyo buuq midna ka jirin.

Wallow ay xustay in qoyskeeda oo qudhi ku wehelin doono socdaalkeeda iyo fasaxeedan, haddan waxa ay bogeeda xidhiidhka bulshada ee shabakada, Anstgram soo dhigtay muuqaalo sawiro ah oo ay laga qaaday iyadoo ku dhex jirta, tamashlahaa ay taageerayaasheeda uga fasaxa qaadatay.

Leave a Reply

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com