Fanaanada Nancy Ajram oo Bilowday Dedaal Carruurta Dhibaataysan Ee Qaza Ay Ku Taageerayso

Fanaanada aadka codkeeda iyo muuqeeda looga jecel yahay dunida carabta ee Nancy Ajram, ayaa bilowday dedaal aadaminimo oo ay ku taageerayso, carruurta dhibaataysan ee reer Qaza, waxaana dedaalkeedan kala qayb qaadanaya tobanaan fanaaniinta iyo xidigaha caanka ah ee dunida ka mid ah.

almstba.com_1344021492_681

Nancy Ajram oo ka mid ah safiir sharafeedyada qaramada midoobay ee dunida xidigaha iyo dadka caanka ah ee dunida, ayaa sheegtay in taageeradeedu ay noqon doonto mid dhinacyo badani ka qayb qaataan oo qaadhaan iyo taageero nooc kasta oo ay u baahan yihiin ay ku taageeri doonto carruurta Qaza.

6e13432b3a633c5c91b0c07481b0c33a

Fanaanadan ayaa bogeeda twitter-ka ku baahisay halku dhegyo dareen murugo oo ay ka qaaday, dilka iyo gumaadka carruurta reer Falastiin ee Qaza la xidhiidha, waxa kale oo ay qortay halku dheg si wayn u soo jiitay dadka kaas oo ahaa (Afka ka haysan mayno murugada Qaza iyo Caruurteeda haysata).

 

Waxa hore iyaguna u sheegay in ay taageeri doonana carruurta reer Qaza hal door badan oo ka mid ah fanaaniinta iyo xidigaha ugu caansan dunida, gaar ahaan kuwooda ka tirsan xidigaha Hollywood ee dalka Maraykanka.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply