Hawraar (Qaahira) muddooyinkan dambe waxa ay dadka ku nool guud ahaan Caalamku si aad ah ugu xidhanyihiin baraha bulshada ,fanaaniinta ayaa sidoo kale aad ugu xidhan baraha bulshada waxa aanay si aad ah ugu xidhanyihiin taageerayaashooda.

Haddaba fanaanada u dhalatay Dalka Masar magaceeda la yidhaahdo Yusra ayaa qabta arrintaasi arrin ka duwan ,Yusra ayaa waxa ay sheegtay in adeegsiga baraha bulshadu uu noqday mid waajib ah isla markaana ay dadka badankoodu aaminsanyihiin in ay qasab tahay in qof kastaa isticmaalo.

Yusra ayaa waxa ay sheegtay in aanay jeclayn isticmaalka baraha bulshada waxa aanay tidhi “Baraha Bulshadu dad aan waxba ahayn ayay soo shaac saareen oo ay ka dhigeen Dad caan ah ,dadkaasi haddi waqica ay u soo baxaan waxa cadaanaysa in aanay waxba ahayn”.

Yusra ayaa sidoo kale sheegtay in ay muddo dheer ku soo jirtay saaxada fanka waxa aanay sheegtay in fanaaniinta ay isku jiilka ahaayeen ay soo caan baxeen xili aanay Baraha bulshadu jirin kalsoonina ka qabaan nafahooda.

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA