Fanaanada Shakira Oo Noqotay Qofkii Ugu Horeeyay Facebook Ee Boqol Milyan Likes Siiso

Fanaanada reer Colombia ee Shakira oo ka mid ah gabdhaha heesahooda loogu jecel yahay dunida inteeda badan, ayaa mar kale heshay xidignimo cusub oo dhinaca shabakadaha xidhiidhka bulshada ah, gaar ahaan shabakada Facebook-ga ka dib markii sida wakaaladaha wararka dunidu qoreen ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee dadka xiiseeyay ama (Like), siiyay boqol milyan tiradoodu gaadhay.  
shakira-2014-billboard-music-awards-05Fanaanada reer Colombia ee Shakira oo ka mid ah gabdhaha heesahooda loogu jecel yahay dunida inteeda badan, ayaa mar kale heshay xidignimo cusub oo dhinaca shabakadaha xidhiidhka bulshada ah, gaar ahaan shabakada Facebook-ga ka dib markii sida wakaaladaha wararka dunidu qoreen ay noqotay qofkii ugu horeeyay ee dadka xiiseeyay ama (Like), siiyay boqol milyan tiradoodu gaadhay.   Fanaanada Shakira ayaa markii shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook ku wargelisay in boqol milyan oo qof like, siiyeen si toos ah saaxiibadeeda Facebook fariin muuqaal ah kala hadashay ugana mahad naqday taageerada ay u muujiyeen.   Shakira oo asalkeedi hore ka soo jeedo dalka Lubnaan waxa ay ku dhalatay dalka Colombia halkaas oo qoyskoodu degay wakhti hore, waxaanay ka mid tahay fanaaniinta muuq iyo maqalba aadka looga taageero dunida inteeda badan.   Shakira oo todoba iyo sodon jir wakhtigan da’deedu marayso, ayaa luuqadaha Ingiriisiga iyo Isbaanishka ugu mahad naqday saaxiibadeeda Facebook-ga, waxaanay sheegtay inay sii kordhin doonto kaalinta fir fircoon ee ay kaga jirto shabakadaha xidhiidhka bulshada aduunka.
// ]]>

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply