Fanaaniinta Iyo Jilayaasha Masar oo Ka Cadhooday Sawiradooda Oo Warbaahinta Israel Ka Been Abuurtay

Qaahira, (Hawraar/Music):- Tobanaan ka mid ah haldoorka fanka ee dalka Masar, gaar ahaan jilayaasha filimada iyo masrixiyada ee dalkaa, ayaa si wayn uga cadhooday.

Sawiro ay wada jir u galeen wakhtigii kacdoonkii lagu riday Madaxweyne Xusni Mubarak uu dalkaas ka socday, balse telefishan taageera Israel uu adeegsaday si been abuur ah.

Bayaan ay ku saxeexan yihiin ilaa dhawr iyo toban jilaa iyo heesaa isugu jira oo Masaari ah, ayaa ceeb iyo been abuur ah ku tilmaamay, sawir ay hore u galeen, wakhtigii kacdoonku socday, laakiin inta la badalay laga dhigay inay ku canbaaraynayaan ururka Islaamiga ah ee Xamaas, isla markaana ku taageerayaan Askariga ciidamada Israel laga qabsaday ee Shaul Aroal.

Sawir ay wada jir u galeen, jilayaasha iyo fanaaniinta, Yousra, Elham Shaheen, Ghada Ragab, Nadia, Hani Ramzi, Kareem Abdul-Aziz iyo Hala Sarhan, markii ay taariikhdu ahayd 30-kii June ayna ku dalbanayeen in Murzi Xilka ka dego, ayaa loo isticmaalay halku dhegyadii ay laabta ku soo qorteen ee (Irxal ama Bax), halku dheg kale oo ah, (Kuli waxaanu La Jirnaa Shaoul), oo ah askariga Xamaas ka Qabsatay milatariga Israel.

Fanaaniintan ayaa ku doodaya in ururka Ikhwaanu Muslimiin uu u diray, telefishanka Hilinka Shanaad ee Israel, waxaanay xuseen in ka hor intaanu telefishankaasi baahin uu sii daayay, telefishanka lagu magacaabo, Yusra.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply