Hawraar (Dubai) Fanaaniinta Caalamka guud ahaan ayaa sanad walba bilawgiisa waxa ay qabtaan bandhigayo kuwaasi oo ay kula dabaal degaan taageerayaashooda kala duwan ee  ku kala  nool daafaha Aduunka .

Haddaba fanaaniinta Carabta ayaa waxa ay qabteen bandhigayo kala duwan kuwaasi oo qaar ka mid ah fanaaniintaasi uu ka soo galay dakhli badan.

Fanaanka Carbeed uu dakhliga ugu badan ka soo galay Xafkadii u dabaal dega Sanadkan Cusub ee 2018ka ayaa waxa uu noqday Fanaanka Caanka ah ee reer Masar Camro Diyab.

Camro Diyab ayaa waxa uu bandhig ku qabtay Hudheelka Conrad ee Magaalada Dubai,qiimaha tigaadhaanta xafladani ayaa waxa ay u ahaa mid kala duwan,tigidhka ugu jabana waxa uu qiimihiisu ahaa 80 Dollar halka tigidhka ugu qaalisan uu qiimihiisu ahaa 2700 oo Dollar.

Guud faa’iidada amase dakhliga ka soo galay Fanaanka Camro Diyab xafladani ayaa waxa uu noqday lacag dhan 700,000 oo Dollar,waxa aanu sidaasi ku noqday Fanaanka Carbeed ee dakhligii ugu badnaa uu ka soo galay xaflada u dabaal dega Sanadka cusub ee 2018ka.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA