Dalka Suuriya ayaa waxa ka socda dagaalo baraya kiciyay malaayin qof oo u dhashay Dalkaasi sidoo kalana waxa dagaalkaasi ku naf waayay Malaayin kale,dagaalka ka taagan Dalka suuriya ayaa waxa ku lug leh sidoo kale dalal shisheeya waxaana haatan hanjabaad aad u kulul u diray Madaxwaynaha Asad ee haya talada Suuriya iyo ciidmadiisa ba madaxwaynaha Dalka France .

Madaxwayne Macron

Madaxweynaha dalka France ee Emmanuel Macron ayaa ku hanjabay in uu duqeyn doono Suuriya haddii ay dhaboobaan wararka sheegaya in xukuumadda Bashaar Al-asa ay dadka rayidka ah u adeegsatay hubka kiimikada ah .
” Waan duqeyn doonaa goobaha lagu farsameeyo ama laga soo abaabulo hubka kiimikada” waxaa sidaasi yidhi madaxweyne Macron.
Madaxweynaha Fransiiska ayaa sidookale sheegay in sirdoonka Fransiisku aanu ilaa iyo haatan helin cadaymo sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hub kiimika ah.

Hadalka hanjabaaada ah ee ka soo yeedhay Madaxwaynaha Dalka France ayaa waxa uu imanaya xili aad loogu eedeeyay nimaadka Madaxwayne Bashaar Al-Asad in uu dadkiisu u adeegsado kuna duqeeyo hub kiimiko kaasi oo cawaaqibta ka dhalataa ay sababi karto masiibiiyin dabiici ah
Sababaha keenay in ciidamada Dalkaasi Suuriya looga shakiyo in ay adeegsadeen hub kiimiko ah ayaa waxa ay tahay shaki ka dhashay sagaal qof oo uu naqasku ku dhagay,waxaana dadkaasi lagu daweeyay dhakhtar ku yaala gudaha dalkaasi suuriya .
Si kastaba ha ahaatee talaabadani uu ku dhawaaqay Madaxwayne Macron haddi ay hir gasho waxa is badalaysa xaalada ka taagan dalkaasi Suuriya waxa aanu dagaalka Dalkaasi ka taagan noqonayaa mid ka sal balaadha sidii hore ee uu ahaa .

 

 

 

 

 

 

 

 

hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA