Farsamo Sahlan Oo Aad Kor Ugu Qaadi Karto Cadaanka Ilkahaaga

Waxaan halkaan idin k soo bandhigaynaa qaab aad u fudud oo aad ilakahaaga cadaankooda kor ugu sii qaadi kartid, adiga oo adeegsanaya mlix, qaabkan ayaa dhakhaatiir badani adeegsadaan ila markaana ay lacag badan kaga furtaan dadka iyaga oo isku xayaysiiya inay ilakaha kuu cadaynayaan balse aan sheegin waxay ku cadaynayaan,

Hadaba waxaa kamid ah waxyaabaha aanay dad badani ogsoonayn in milixdu tahay dawooyinka dabiiciga ah ee ugu fiican marka laga hadlayo quruxda, iyada oo inbadan oo khubarada kamid ahi ay adeegsadaan amba kaligeed ha ahaato amba curiyayaal kale ha lagu daree, gaar ahaan dawooyinka loo adeegsado cadaynta ilkaha, waxaana loo adeegsadaa qaabkan:

Farahaaga far kamid ah ku qoo biyo, kadibna dhex gali milixda qalalan oo la tumay ama aad u yaryar.

Dul mari oo ku duug ilkahaaga farta adiga oo ku celcelinaya qaabkan dhowr jeer.
Falkan ayaa waxa uu ilakaha ka suulinayaa waxkaste oo ku dhagay ama midabkoodii dabiiciga ahaa ka kaxeeyay, waxaanuu u siyaadinayaa dhalaal iyo widhwidhaad.

Adeegso qaabkan hal mar todobaadkiiba, adiga oo ka digtoonaanaya inaad cirridkaaga wax yeesho, waxa kale oo aad marmarka qaarkood diirisaa biyo kadibna intaad milix ku walaaqdid ku luqluqo iyada oo qaabkanina uu wax tar wayn u leeyahay afkaaga isla markaana dawo u yahay xanuunka ilkaha iyo qanjo xanuunkaba

Casharkan ayaa waxaynu ka faaidaysanay:

Qaabka cadaanka ilkaha kor loogu qaado iyadoo aynu adeegsanayno milix iyo biyo kaliya.
Qurxinta ilkaha iyada oo aanaynu is qarash garaynaynin.
Qaabka ugu fiican ee ilkaha loo cadeeyo.
U adeegsiga milixda cadaynta ilkaha iyada oo ay milixdu tahay curiye markaste iyo goor kaste si fudud loo heli karo.
Suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply