Farshaxan Brazil U Dhashay Oo Taayirada Duuga Ah Ee Baabuurta Ka Sameeyay Qalabka Guryaha Kuwooda Ugu Quruxda Badan

5600furniture-recycled-tires-claudio-mota-6(1)Nin farshaxan ah oo u dhashay dalka Brazil laguna magacaabo, Cl’udio Mota, ayaa isagu si wax ku ool ah u ikhtiraacay, kana sameeyay qalabka guryaha taayirada duuga ah ee baabuurta laga badalo, kuwaas oo oo waliba leh soo jiidasho iyo qurux indhuhu jeclaysan karaan isku darsaday.

Ninkan farshaxanka ah ayaa Taayirada duuga ah ee baabuurtu iska badasho u badalay ama ka sameeyay, kuraasta xafiisyada iyo kuwa meelaha xeebaha ah ee loo tamashlaha tago la dhigo, waxa kale oo uu ka sameeyay, sariiro, miisas iyo waxyaabo kala duwan oo xafiisyada iyo guryaha loo adeegsado.

Brazil

Muuqaalada qalabka uu ka sameeyay farshaxankaasi taayirada la iska tuuray ee baabuurta ayaa marka aad aragto, quruxdooda iyo habka uu u farsameeyay aanad moodayn in Taayiro mustacmal ah laga sameeyay.
Ninkan ayaa hindihiisan ku helay taageero badan oo dadka shacabka ah ee dalkaasi u muujiyeen, waxa kale oo heshiisyo la galay qaar ka mid ah shirkadaha, sameeya alaabta guryaha iyo xafiisyada, kuwaas oo farsamadiisani soo jiidatay.

 

Sida Mr. Moto uu warbaahinta dalkiisa u sheegay, dhamaan kuraasta, miisaska, sariiraha iyo qalabyada kala duwan ee uu sameeyay, ayuu xusay in dhamaantood uu ka sameeyay taayirada iyo qaybahooda kala duwan, sida tayuubka, kaanwayska iyo daawayaasha duuqa noqday, ka dibna uu qaabkaas layaabka leh u sameeyay.

560furniture-recycled-tires-claudio-mota-2

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply