Feedh-yahanka caanka ah ee u dhashay Dalka Maraykanka Mike Taizon ayaa waxa uu ku kacay arrin aad u la yaab badan .

Mike Taizon ayaa waxa la sheegay Sida lagu soo bandhigay Saxiifada The Sun in uu muddo 20 Sano ah ka beeri jiray Gobolka California ee Dalka Maraykanka Xashiishada iyo Maandooriyaha loo yaqaano Murungwana isla markaana uu adeegsan jiray arrimo Caafimaad iyo sidoo kale baadhitaanada Cilmiga ah .

Mike ayaa waxa uu haatan iibsaday dhul balaadha uu ku beeri doono Maandooriyaha Murugwaanaha iyo sidoo kale xashiishada waxa aanu sidoo kale dhulka uu iibsaday waxa uu ka furi doona Dugsi uu Cilmiga beeraha ku bari doono Dadka isla markaana waxa uu isla dhulkaasi uu ka dhisi doonaa goobaha ay ardayda wax ka baran doontaa degi doonto.

Mike oo ay haatan Da’diisu tahay 51 Jir ayaa waxa uu noqday feedhyahanka ugu da’da yar ee ku guulaystay Feedhka Miisaanka Culus balse arrintan uu haatan ku Taalbasaday ayaa ah arrin aad u la yaab badan ,sido kale arrintan ayaa waxa la sheegay in uu Mike ku garab taaganyahay Duqa Magaalada .

Feedh-yahan Mike Taizon ayaa hore looga bartay in uu arrimo Caafimaad u adeegsado Murugwaanaha .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA