sanadkan ayaa shabakada falan qaysa nolosha aktarada hindiga ee Bollywood life waxa ay qabatay tartankeedii sanad laha ahaa ee ay ku codeeyaan dadka ku xidhan shabakadan ee ahaa filimka

ugu fiicnaa sanadkii ina dhaafay ee 2016 kaas oo codayntu socotay mudo ayaa waxa la soo saaray natiijadii codayntaas oo uu ku guulaystay filimka uu jilaaga ka yahay aktarka ugu horeeya aktarada Bollywood waa Shahrukh khan isla markaana ay la dhigayso aktarada da’da yar ee Alia Bhatt waxana tartankan aan ka maqnayn aktarada waawayn ee Salman Khan iyo Aamir Khan waxa ku loolamayey tartankan filimka Salman khan ee lagdanka ah Sultan, Filimka SRK iyo Alia Bhatt ee Dear Zindagi, Neerja filimka ay matasho aktarada Sonam Kapoor, filimka Udta Punjab ee Shahid Kapoor iyo Alia Bhatt, Filimka Akshay Kumar ee Airlift, filinka MS Dhoni: The Untold Story ee Sushant Singh Rajput iyo kuwa kale waxana natiijadu noqotay sida tan:

waxa kaalinta koobaad ku guulaystay filimka aktarka Shahrukh khan ee Dear Zindagi ooisagu helay 34.84% halka filimka Sultan isagu helay 21.21% kaalinta sadexaadna waxa inyar ka cod batay filimka Dangal oo kaalinta afraad ku fadhiya 13.54% filimka Neerja oo isagu haysta 13.78% kaalinta shanaadna waxa xajisanaya filinka Udta Punjab oo isagu haysta 3.74%.

poll-resultsa

movie-poll-results-1

KA DHIIBO FIKIRKAAGA