Filimka Swedish-ka Ah Ee Xamaamka Laanta Ku Fadhiya Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Golden Lion Ee Venice Film Festival

Filimka Hamaanka Laanta Ku Taagan ee uu sameeyay Rug cadaaga filim sameeyaha ah ee reer Sweden Roy Andersson ayaa ku guulaystay abaal marinta caalamiga ah ee (Golden Lion), Libaaxa dahabka ah, taas oo ah abaal marinta ugu saraysa, mahrajaanka caalamiga ah ee filimada aduunka, kaas oo sanad kasta lagu qabto magaalada Venice ee dalka Talyaaniga.

441 (1)Rug cadaaga reer Sweden ee Roy Andersson ayaa intii bandhiga filimada ee Venice socday lagu soo bandhigay sadex filim oo xidhiidh ah oo uu sameeay, kuwaas oo soo kala baxay intii u dhaxaysay 2000 ilaa 2013-ka, hasa yeeshee waxa gudidii garsoorka ee mahrajaanku ay u bogeen filimkiisa “A Pigeon Sat on a Branch Reflecting on Existence.”

In kasta oo uu ninkan odayga ahi ka mid yahay dadka filimadoodu saamaynta leeyihiin, haddana marka loo eego da’diisa oo 71-jir ah, muu ku guulaysan inuu sameeyo filimo heer caalami ah gaadha, waxaana sida la sheegay kaliya uu ilaa wali ku guulaystay shan filim tan iyo sanadkii 1977-kii oo ahayd markii ugu horaysay ee u bilaabay filim soo saarista.

Inta badan jilayaashii iyo filim sameeyayaashii ku sugnaa bandhiga filimada caalamiga ah ee Venice Film Festival ayaa u istaagay, markii la gudoonsiinayay abaal marinta libaaxa dahabka ah, waxaana la dareemayay saamaynta uu ninkaasi bahda dadka aflaamta iyo sinimaha dunida ku leeyahay.

Mahad naq kooban ayuu isna halkaa ka jeediyay, waxaanu xusay in tani ay dhiiri galin u noqon doonto, filimada iyo dadka ka shaqeeya ee dalkiisa Sweden, waxa kale oo uu tilmaamay sida ay isaga laftiisa ugu tahay farxad sii horumarinsa inuu sameeyo filimo cusub.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply