France: Ganaax Lacageed Oo Lagu Soo Rogay Ragga Haweenka Ku Daandaansada Wadooyinka Amase Jidhkooda Wax Ka Sheega!

Dawlada France ayaa waxa ay soo saartay go’aan ka dhan ah ragga haweenka daandasada amase dhibaateeya marka ay wadooyinka marayaan .

Ganaaxab ayaa ah ganaax lacageed oo dhan 110 Dollar haddi ay ku cadaato in uu arrintaasi ku kacay ,wasiirka arrimaha gudaha Dalka France ayaa waxa uu yidhi ” Dawladu waxa ay ganaax lacageed ku soo rogtay qof kasta oo haweenka wadooyinka maraya daandaansada amase jidhkooda wax ka sheega”.

Xukuumada France ayaa sidoo kale waxa ay meel marin doonta xeer cusub oo maalmaha soo socda la hor gayn doono baarlamaanka dalkaasi kaasi oo ka dhan ah dhibaatooyinka ay raggu kula kacaan haweenka .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com