Dagaal is gacan saar ah ayaa waxa uu ka dhex dhacay dad ku sugnaa goob super Market ah kuwaasi oo is gaadhsiiyay dhaawacyo halis ah ,sababta keentay in dadka tirada badani ay gacmaha isa saaraan ayaa waxa ay ahayd in qiima dhimis lagu sameeyay Shokoolataha Notela kaasi oo ay aad u jecelyihiin dadka Dalaasi u dhashay .

intermarch super market

Qaybaha Kala duwan ee Super Market-ka Intermarch ayaa waxa ay shaaciyeen qiima dhimis balaadhan oo ay ku sameeyeen qiimaha lagu iibiniyo Shokoolaataha ee 950 Kg oo qiimihiisi hore 4.7 Euro isla markaana qiimihiisa haatan laga dhigay 1.41 Euro oo u dhiganta 1.8 Dollar .

Shakoolaha Notela ayaa ah mid aad looga isticmaalo gudaha Dalkaasi France waxaana had iyo jeer lagu qaybiyaa maqaaxiyaha dalalkaasi ,blase Goobahaasi ganacsi ayaa waxa la yaabay ku noqotay dadka u yimid in ay iibsadaan Shokoolahaasi oo si kadis ah isku gacan saaray isla markaana dagaal darani uu dhex maray .

 

Notela

Haweenay ka mid ahayd dadii goobtaa ku sugnaa ee u yimid in ay iibsadaan ayaa waraysi ay siisay wakaalada wararka ee Le Progre ayaa waxa ay tidhi “dadka isku yimid waxa ay u dhaqmayeen sida Xayawaanka oo kale,haweenay ayaa waxa la jiiday timaheeda ,islaan kale oo da wayna waxa lagu dhuftay feedh ,halka nin ka mid ahaa dadka iibsanayay Notela Gacantu ay dhiigaysay “.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA