Gaadhigii Gaarka ahaa ee Hogaamiye Hitler oo Lagu iibin Doono Dalka Maraykanka 17ka Bishan!

Dalka Maraykanka ayaa waxa 17ka bishan lagu soo bandhigi doonaa Gaadhigii gaarka ahaa ee uu lahaan jiray Hogaamiyihii Germany ee  Hitler.

Gaadhigan ayaa noociisu waxa uu ahaa Merceds gaadhigan ayaa waxa si gaar ah loogu sameeyay Hogaamiyihii Dalkaasi Germany ee Hitler .

Gaadhigan ayaa si toos ah iib loogu soo bandhigi doona gaadhigan ayaa waxa la sheegay in ninkii wadaha ka ahaa ee Hitler u wadi jiray gaadhiga uu si wanaagsan u dar yeeli jiray isla markaana uu gaadhigaasi soo wareejiyay Sanadkii 1939kii ka hor intii aanu bilaabmin Dagaalkii labaad ee Aduunku.

Gaadhigan ayaa waxa la sheegay in xaaladiisu ay aad u wanaagsantahay isla markaana la iibin doono .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com