Caafimaadka qaa arrin muhiim ah afkuna waxa uu ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan ee jidhka qofka,waxa hubaal ah in qofku haddi uu afka kala qaadi kari waayo aanu waxba cunayn waana arrin dhibaatadeeda leh.

 

 

Gabadh u dhalatay Dalka Yaman ayaa waxa ay muddo 30 sano ah la soo dhib mudatay dhibaato ka soo gaadhay afka taasi oo sababtay in ay afka kala qaadi kari waydo ,gabadhan ayaa waxa magaceeda ka yidhaahdaa Faadumo waxa aanay mudadaasi 30 sano ah la siin jiray oo cabitaano kaliya.

Dhakhtar u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu ku guulaystay in uu qalniin dhif iyo naadir ku ah Aduunka waxaana magiciisa la yidhaahdaa Temporomandibular xanuunkaasi oo dhif iyo naadir ku ah ayaa waxa uu ka dhasha isku dhag ka dhex dhaca Daanka Iyo Maskaxda kuwaasi oo ay adagtahay in la kala saaro.

Dhakhtarka u dhashay Dalkaasu Hindiya ee qalniinkaasi ku fuliyay Faadumo oo magiciisa la yidhaahdo Guard ayaa waxa uu ku fuliyay muddo 4 saacadood ah waxaanu sabab noqday farxada Faadumo iyo qoyskeeda oo muddo 30 sano ah ku jah wareersanaa dhibaatadaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA