Gabadh yar oo 12 jir ah ayaa waxa ay dhabarka Mindi ka galisay ninkii qaba hooyadeed oo muddo dheer ay kula noolayd guriga ay isku qabaan ,aabaha dhalat gabadhaasi ayaa waxa ay kala tageen hooyada dhashay gabadhaasi intaasi kadibna waxa gabadhaasi korsatay hooyadeed oo ay nin kale is guursadeen .

Gabdhani yar ayaa talabaadaasi qaaday kadib markii uu soo weeraray hooyadeed isla markaana uu rabay in uu dilo.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday Magaalada San Francisco waxaanay dhakhaatuurtu sheegeen in ninkaasi aanu dhiman balse ay soo gaadheen dhaawacyo halis ah maadaama oo ay gabadhaa yari laba jeer mindida ku dhufatay.

Khilaaf ka dhex dhashay gabadhaasi yar hooyadeed iyo Ninkaasi qaba ayaa waxa la sheegay in uu soo jiitamayay muddo aad u dheee isla markaana uu marar dhawr ah gacanta u qaaday ,arrintaasina ay aad uga xumaatay gabadhaasi yar oo muddadaasi oo dhan ba kula noolayd guriga.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA