Gabadh Yar Oo Wadooyinka Magaalada Aswan Ee Dalka Masar Ku Iibin Jirtay Alaabaha Oo Ku Guulaysatay Tartan Oroda Oo Ay Ka Qayb Gashay !

Gabadh u dhalatay Dalka Masar kuna caan baxday alaabo ay ku iibin jirtay Wadooyinka waaway ee Magaalada Aswan ee Dalkaasi ayaa waxa ay noqotay shakhsiyadii ugu hadal hanta badnayd toddbaadkii hore Dalkaasi Masar waxaana gabadhaasi yar magaceeda la yidhaahdaa Marwa waxa aanay duruuftu ku kaliftay in ay alaabo yaryar ku iibiso wadooyinka magaaladaasi waxa kale oo ay hadd iyo jeer caadaysatay in ay kaba la’aan ku socota una adkaysato kulaylka cadceeda ee cagaheeda soo gaadhahay waxa ay Marwa ku caan baxday ee Dadka Dalkaa u dhashay ay u yaqaanaan “Xaafiyatul Qadamayn” oo Macnaheedu yahay “Gabadhi Cagaagnayd “.

Mawro oo Ordaysa

Gabadhi ayaa waxa ay si kadis ah u aragtay tartan orodka oo la qabtay caruurta da’deeda oo kale ah waxa aanay gudidii tartankaasi masuulka ka ahayd in u ogolaadaan in ay ka qayb gasho tartankaasi .nasiib wanaag Marwa waa loo ogolaaday in ay ka qayb gasho tartankaasi .

Marwa oo cagaagan kuna jirta tartankii

Marwa ayaa waxa ay tartankaasi kaga qayb gashay Dharkii caadiga ahaa ee ay xidhnayd halka caruurtii la midka ahayd ee Tartankaasi kula jirtay ay dhamaantood xidhnaayeen dharka Jimcisiga oo u fududaynayay in ay si wanaagsan u ordaan.

Marwa oo ku farxsan bilada iyo lacagta ay heshay

Marwa ayaa waxa ay ku guulaysatay tartankaasi waxaana la siiyay lacag aanay filayn in hal maalin oo qudha ku heli doonto ,dadka u dhashay dalkaasi ee la socday qisada gabadhaasi yar ayaa waxa ay Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Dalkaasi ka codsadeen in garab galaan si ay Dalkeed hooyo u matasho Mustaqbalka .

mid ka mid ah gudidii qabanqabaada tartanka oo Mawra la wadaagaya farxada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com