gabar aan lahayn faraha gacmaha haddana samaysay dahabkii ugu qaalisanaa dunida

Gabadh mawhibad u leh in ay samayso nashqado dahabka dumarku xidhaan oo aad u qurux badan, balse aan ku dhalan faraha hore ee gacmaha, ayaa waqtigan soo saartay nashqado cusub oo keenay in lacag aad u badan ay siiso, meelo badan oo dunida ahna aad ula dhacaan quruxda nashqadaynta dahabkeeda.


Mss. Annette Gabbedey oo 48 jir ah, waxay samaysa fargalo, dhego iyo silisyo aad u qurux badan oo ay ku jiraan macdanta dheemanta amma dhagaxaanta kale ee qaaliga ah, taasoo ku samaysa meel ay si gaar ah u leedahay.
Gabadhan faraha aan ku dhalan ma isticmaasho wax u fududaynaya inay dahabkan nashqadayso, balse waxay ku keentay dedaal iyo dulqaad, iyadoo sheegtay in aay u adag tahay, balse qofku ku guulaysan karo mawhibadiisa.
“Qof caadi ah ayaan ahay, mana ah curyaan, aadna waan ugu bogay in dadku  la yaabaan sida aan u awooday samaynta dahabka, waana arrin mawhibo ku xidhan, gacmahaagana aad ku samayn karto, dadkuna in badan bay i waydiiyaan sida aan u sameeyo dahabkan, sababtoo ah waxaanay igu arag faro,” ayey tidhi Annette.

d3  d5 d6 dahabd111 dah1  dahab1

Mrs. Gabbedey waxay sheegtay in qoyskeedu inta badan ku dhiirigeliyaan in ay arrinta qabato, iyadoo ka soo baxday dugsi lagu barto samaynta dahabka oo la yidhaa Lond’s Hatton Garden.
Gabadhan oo magaalada ay ku nooshahay ee Somerset oo dalka Ingiriiska ka mid ah u guurtay 24 sanno ka hor waxay waqtigan ka mid tahay dadka ugu fiican ee dahabka nashqadeeya, waxaanay tidhi; “Waa wax adiga kuu khaas ah sida naftaadu u eeg tahay, balse sidan waan ku dhashay, manaan dareemin wax inaan bulshada kaga duwanahay, waxaanan helay waxyaabo badan oo aan qaban karo, wax kasta waan dareemi kara, gacmahayguna dhaqdhaqaaq fiican way samayn karaan, faraha oo kaliyaan la’ahay, xubnihii kale way ii dhan yihiin.”

Gabadhan dahabkii ugu qaalisa ee ay waligeed samaysa wuxuu qiimo ahaan dhamaa £25,000 lacagta Ingiriiska ah waxaanay isugu jireen dahab iyo dheeman silis ah, taasoo ay naf ahaanteeda u samaysay si ay ugu dabaal-degto ganacsigay ku gudo jirtay 21 sanno.
suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply