George Clooney Iyo Gacaladiisa Muslimka Ah Ee Amal Alamuddin Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Magaadala Venice Ee Dalka Talyaaniga

   Jilaaga wayn ee reer Hollywood George Clooney oo ay weheliso gacaladiisa Muslimka ah ee Reer Britain, Amal Alamuddin ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay, magaalada Venice ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu aktarkaasi kaga qayb galay bandhigii caalamiga ahaa ee Filimada dunida.

56087F4B00000578-637_634x505Xaflado badan oo casho sharaf iyo marti qaadyo isugu jira ayaa lagu asqeeyay George Clooney iyo Amal Alamuddin, kuwaas oo meel kasta oo ay tagaana sida boqorka shinada loogu soo xoomayay, si wayna loo dareemayay in dadku xiisaynayaan sawiro gaar ah oo ay la galaan.

Markii la soo gaba gabeeyay xafladii mahrajaanka filimada aduunka ee Venice Film Festival ayaa lagu maamuusay, abaal marina an magaceeda la sheegin oo u gaar ah 56027EBBA00000578-637_634x852lamaanahan sida wayn uga dhex nuurayay xaflada.

Goerge Clooney oo markii abaal marinta isaga iyo gacaladiisa lagu maamuusay la siiyay ka dib, hadal kooban ka jeediyay, xafladaas ayaa sheegay inuu magaalada Venice ee dalka Talyaaniga ka dhigi doono, magaalo jacayl.

Clooney waxa uu ka waramay sababta isaga oo xusay in ay ahayd meeshii ugu horaysay ee ay galacadiisa ku kulmaan, sida awgeedna ay ugu go’aansadeen in arooskooda oo dhawaan dhici doona ay ku qabsadaan, waxa kale oo uu tilmaamay in ay magaaladaasi tahay magaalo aan waligii qalbigiisa iyo xusuustiisa midna ka gu’idoonin.

 

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply