George Weah Oo Hees U Qaaday Cudurka Ebola Ee Galbeedka Afrika Ka Dilaacay

Ciyaar yahankii kubada cagta ee dalka Liberia George Weah ayaa soo saaray hees cusub oo dunida uga digaysa halista cudurka Ebola-ha ee dhawaan ka dilaacay galbeedka qarada afrika, sida la rumaysan yahayna ilaa kun qof dad lagu qiyaasay u dhinteen.

George Weah oo ka mid ah dadka aadka looga jecel yahay galbeedka qaarada Africa iyo dalkiisa Liberia labada, waxa isagoo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu qaado hees uu ku sheegay, walaac uu ka qaaday halista cudurkaas.

Mar uu hadlayay xaflad muusig oo isaga iyo heestiisan cusub ee Ebola-ha uu u qaaday, lagu maamuusayay, ayuu si adag uga hadlay halista cudurkaas iyo sida haddii aan wax laga qaban uu u noqon doono cudurka Ebola kii gumaadi lahaa ama sida uu hadalka u dhigay, cawaaqib aan la mahadin afrika kaga tagi doona.

Codka George Weah ayaa noqonaya wax ku cusub dhegaha dadka reer Africa laakiin magaciisa iyo ciyaarihii caalamiga ahaa ee uu ka qayb galay, waa kuwo la wada garanayo, sidaa waxa yidhi wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Liberia oo ah waddanka uu u dhashay ciyaar yahankaasi.

Sida lagu sheegay xaflada loo qabtay heesta cusub ee uu soo saaray George Weah waxa cajaladaha lagu duubay, iibkooda laga bilaabay waddamada galbeedka afrika, sida uu sheegayna lacagta ka soo xeroota waxa lagu dari doonaa, miisaaniyada wasaarada caafimaadka ee dalkiisa.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply