Dhacdo aad u xanuun kulul ayaa waxa ay ka dhacday Dalka Germany ,waxaana arrintaasi ku kacay nin u dhashay Dalka Suuriya kana mid ah qaxootiga reer Suuriya ee ku sugan Dalka Germany.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Lovem ee Dalkaasi waxaanu ninkaasi u dhashay Suuriya uu si badheedh ah mindi u galiyay xaaskiisa kadib markii uu ka shakiyay in ay khiyaamayso .

Dilka ninkani kula kacay xaaskiisii ayaa waxa gacan ka siiyay xaaskiisa walaalkeed oo inta uu xabad sigaar ah shitay duubayay walaashi oo naf baxaysa.

Ciidamada Amaanka Dalka Germany ayaa labadaasi nin gacanta ku soo dhigay waxaana labadaasi nin la qabtay xili ay tareen saarnaayeen isla markaana ay baxsanayeen .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA