Gorfayn heesta nolosha cusub soo dhowee waa Qalinkii Cali Sh Maxamed Cabdi (Ali Ileeye)

1525136_708810862485800_108759635_n

Falanqaynta iyo gorfaynta fanka iyo suugaantu waa ay ku tis qaadaan kuna taabo-galaan, waa marka se’ looga dan leeyahay dhiirgelinta hal-abuurka iyo kobcinta heerka curineed

ee suugaanyahanka.Sidoo kalena naqdinta waxa lagu faaqidaa dhaliilaha ama gefefka hal-abuurka si loo toosiyo meelaha ay dalabtukaga jirto midhihiisa. Inagga soomaali ahaan aad ayuu inoogu yar yahay fanka naqdintu, balse waxa aad moodaa in baraarug uu jiro, taasna waxa u marag ah tirada dadka ka halceliyay heesta ‘nolosha cusub soo dhawee’. Waxa aan u arkaa arintaas irid cusub oo u furmaya fanka naqdinta-dhib iyo dheef ba ha watee.

Waxa aan rabaa in aan hal eray ku darsado gorfaynta heesta ‘Nolosha cusub soo dhawee’ oo ka mid ah heesaha shacbiyada badan ka helay dhagaha dadka xiiseeya fanka, taas oo keentay in ay dad badani wax ka yidhaahdaan.Waa laga wada dharagsan yahay abwaanka leh heesta waana hal-abuur C/risaaq Xaamud Caydiid (Jaylaani), laxanka iyo codku waa Maxamed Siciid (BK) Muusiga Axmed Weli Furinle. Dhaamaantoodna waxa ay ka mid ah yihiin kooxda Xidigaa Geeska ee ka dhisan hoyga fanka ee Hargeysa.

Sideedaba marka hees la falanqaynayo waxa habboon in laga istaago ama laga eego dhawr dhinac oo kala ah: dhismaha midhaha, dhadhanka codka, hanaanka laxanka iyo habdhaca muusiga. Waxa aad moodaa dadkii hore u gorfeeyay heestu in ay isku koobeen dhismaha midhaha oo qudha ishana ay ka laliyeen tiirarka kale ee heesta sida codka, laxanka iyo muusigaba. Affartaa tiir ee heestu ka samaysanto ayaynu kolba mid is dultaagi doona si ay inoogu fududaato falanqaynta heestu.

Miisaanka Midhaha:

Marka midhaha la miisamayo waxa laga jiraa labada cudur ee kala ah dalabta (laaxin) iyo deelqaafka. Dalabtu waa jabniinka ku yimaadda habdhaca midhaha, deelqaafkuna waa qaafiyada ama xarafraaca oo is buriya ama kala gedisma.Inta aynaan hadaba miisaanka saarin sideedaba hees kasta waxa laga sameeyaa meerisyo ku aroora mid ka mid ah badaha maansada ee kala gadisan, ha noqoto gabay, geeraar, jiifto, masafo, saar (baarcade), heello iwm. Si kale haddii aynu u dhigno heestu waa bad maanso oo luuq, laxan iyo muusig lagu ladhay. Haddaba heestan ‘Nolosha cusub so dhawee’ waxa ay ku qotontaa lana habdhac tahay badda saarka (Baarcade).Sida uu miisaanka maansada soomaaliyeed dhigayana dhererka saarku waa 10 shaqal.habdhiciisuna waa (1) 2 2 2 (1) 2.

Naf yahay caashaqu ka gaday

(1) 1 1 2 11 (1) 11 = 10 shaqal

Qof kale caqligeediyee

(1) 1 1 1 1 2 (1) 2 =10 shaqal

Xusuus ku casuumanee

(1) 2 11 2 (1) 2= 10 shaqal

Cidlada wehel moodaysaa

(1) 11 11 2 (1) 2=10 shaqal

Heestu waxa ay ka kooban tahay 20 meeris (marka dhextaalka hal mar la soo qaato) habdhaca iyo dhererka marka la eego heestu way heer saraysaa.labaatanka meeris 15 ka mid ahi wax laaxin ahi kuma jiraan.3 meeris oo kala ah:

Laabtaan culay baan ku idhi

Caawana tasho baan ku idhi

Gayaanka calmo baan ku idhi….. habdhicii waxa soo galay qalooc yar,tusaale ahaan meeriska 1aad halkii ay ka ahayd inay noqoto (1) 2 11 2 (1) 2, waxa uu noqday 2 2 11 2 (1) 2 waxaana lagu sixi karaa saddexda meerisba sida uu hoobalku codka ku saxay oo ah iyaga oo dhisme ahaan is gediyay eraygu in miisaan ahaan loo saxo.

Labtaan culay baan ku idhi = 10 shaqal

(1) 2 11 2 (1) 11 = habdhac

Cawana tasho baan ku idhi

(1) 11 11 2 (1) 11

Gayanka calmo baan ku idhi

(1) 11 11 2 (1) 11

Wax kale maynaan samayn kaliya erayada laabtaan,caawana iyo gayaanka ayaynu ka dhignay (labtaan,cawana,gayanka) si miisaanku u tooso.

Halkaa waxa aynu ku haynaa 18 meeris oo shilis -waxa soo hadhay laba meeris oo kala ah:

Wakhtigu wuu cararayaaye

Ka jar kaba goo calooshoo

Meeriska hore waxa uu ku saxan yahay wakhtigu wuu cararayaa balse (ye) waxa keensaday waxa ay isku xidhaysaa labada meeris.

Tuduca ‘ka jar kaba goo calooshoo’ habdhac iyo dherer ahaan ba waa uu jaban yahay.

Halkaas waxa aynu ku soo aragnay inaanu wax laaxina oo buuranu ku jirin heesta. Deelqaafkana aynu isla eegno; Xarafraaca haddii aynu eegno heestu waa C-ley dhamaan meerisyadana xarafka C wuu ku jiraa sidaa darted wax deelqaaf ah malaha heestu.

Nuxurka Midhaha:

Haddii aynu nidhi heestu miisaan ahaan way sareysaa ama waa mid cuddoon dad badan ayaa hadal ka keenay nuxurka iyo dulucda ay xambaarsan yihiin midhuhu kuwaas oo sheegay in ay Macnaha ay gudbinayaan uu khaldan yahay ama aanay si wacan isu saarnayn meerisyadu -Haddaba si aynu aragtidaa u cabirno dhab iyo dhalanteed ka ay tahay aynu dul istaagno macnaha midhaha heesta.

Hormada koowaad ee heestu waxa ay ku bilaabmaysaa erayo dareen taabad leh oo uu hal-abuurku naftiisa ugu halcelinayo oo uu leeyahay nafyahay caashaqu uu ka gaday qof kaa maqan oo kaa sii jeeda caqligeediyee, xusuustii hore ee qofkaas uun wali tabaysa ee cidlada wehel moodaysaay…

‘Naf yahay caashaqu ka gaday

Qof kale caqligeediyee

Xusuus ku casuumanee

Cidlada wehel moodasaa’

Naftii aan wali quusan ee weheshanaysa xusuusta qofkaa aan dareenka la wadaagin ayuu abwaanku u caqli celinayaa waxaanu leeyahay-waxba ha caban oo ha ooyin-laabtaydii waan ka culay wixii hore ee soo maray tashi cusub ayaanan la qaatay.

Waxaan kugu idhi ha caban

Ilmada cesho baan ku idhi

Laabtana culay baan ku idhi

Caawana tasho baan ku idhi

Biyo dhicii iyo dhextalkii heesta wali hal-abuurku wuxuu la hadlaya naftiisa waxaanu leeyahay ‘’waqtigu wuu socdaa oo wuu degdegayaaye, jacayl xadhig jiid ah oo aan dhana u dhacayn, ka goo caloosha oo, nolosha cusub iyo waayaha ku horyaala soo dhawee oo la qabso.

Waqtigu wuu cararayaaye

Jacayl loo caal helayn

Ka jar kaba goo calooshoo

Nolosha cusub soo dhawee.

Hormadii labaad ee heesta ayaa bilaabmaysa.Wali naftii may quusan-alla cuslaayee dareenkaa jacayl ee hal-abuurka soo maray.wuxuu leeyahay nafyahay yaanay meel uun kaaga dhagin, Nasiibkana iyo ayaankana haw cadhoon, cuddoona way ku daysay oo rajo danbe kama qabee iska illoow haduu calaf ina kala kexeeyay—maa la guursaday tallow? Mooyi!

Nafyahay caalwaa ha noqon

Nasiibkana haw cadhoon

Hadduu calaf kaa ceshaday

Cuddoon way tagtee iloow.

Ka maydho wixii ku soo maray ayuu hal-abuurku leeyahay meerisyda gunaanadka ah.gayaanka ka dooro inanta aad rabto ee aad calmato,dib u ciddaad qalbiga una cul ayuu ku yidhi,mar uun haku dayso cadhadii aad ka qaaday waayi taankii iyo wixii idin dhex maray cuddoon ayuu ku yidhi naftiisa.

Waxaan kugu idhi ka cugo

Gayaanka calmo baan ku idhi

Ciddaad qalbigaan ku idhi

Maruun ciil bax baan ku idhi

Midhaha heestu waa ay giijisan yihiin wax habacsanaan ahna kama muuqdaan geedi-galintooda, dabo ilaa dacalna waa ay xidhiidhsan yihiin.Nuxurkooduna waa mid caddaan ah oo la fahmi karo.

Dadka qaar ayaa gaf-ku-sheeg ka soo saaray dhawr meeris oo kala ah:

Nolosha cusub soo dhawee-waxa ay yidhaahdeen ma nolol cusub ayaa jirta-abwaanku waxa uu ka wada nolosha cusub ee ka danbaysa tii jacaylkii guul daraystay ee cuddoon.Qofku marka uu caloosha ku jiro waa u nolol cusub, marka uu ifka yimaado waa u nolol cusub-markuu waynaado waa nolol iyo waayo hor leh oo cusub.Jacaylkuna waa sidaas oo kale.

Gorfeeye kale ayaa yidhi meeriska Hadduu calaf kaa ceshaday.Ma calaf baa wax ceshada? Waa la og yahay inuu ilaahay uun wax kala celiyo, balse dhabada uu ilaahay wax u kala celiyo ama isugu diido waxa loo yaqaanaa calaf. Miyaanu abwaan hore odhan:

Wad iyo calaf waxaan ahayn

Inama kala weeciyaanoo

Jacaylkeenaa ka weyn.

Laxanka iyo Muusigga:

Marka midhaha la sameeyo waxa ku xigaa waa in laxanka la saaro.Laxanku waa qaab ugu luuqaynta heesta.Hadba dareenka ay heestu gudbinayso-calaancal, hillow, foorjo, wadani iwm ayaa laxanka lagu fadhiisiyaa.Heestu Nolosha cusub soo dhawee waxa saran laxan la jaan qaadaya dareenka caadifadeed ee heestu ka dhalatay si farshaxana ayaanu fanaanku u qaabeeyay laxanka.

Muusigu waxa uu badanka raaca ama ka shidaal qaataa laxanka heesta oo qaabka luuqda aya qalabka danankana loogu fadhiisiyaa, haddaba markaa aad u fiirsato muusiga saran heestu waa mid laxanka la talaabsanaya oo dareen fog xambaarsan, dhagtuna ay halhaleel ku dhagaysanayso.

Dhaliisha kaliya ee muusiga laga soo saari karaa waa mid aan heestan oo qudha ku koobnayn ee ay la wadaagaan heesaha danbe oo dhan,taas oo ah in qalab kaliya oo ah Piano iyo qof kaliya oo tuma uu muusigii isugu biyo shubtay.Markii qalab kala gadisan loo garaaci jiray heesaha xiise dheeraad ah ayay siin jirtay.

Codka:

Heesta waxa codkiisa halaasiga ah ku qaadaya hoobal Maxamed BK,si toolmoon ayuu ugu raaxaysanayaa luuqda heesta isaga oo ku ladhaya dareen uu jidhkiisa ku cabirayoo oo dhagaystaha dhaygag ku ridaysa.Cod lab oo ledgan ayuu BK ku qaadayaa heesta.Waxa kale o xusid mudan in dhamaan erayada si hufan oo aan madmadow lahayn loo wada fahmayo marka uu qaadayo, xaraf kastana uu godkiisa siinayo.

Guntii iyo gunaanadkii heesta nolosha cusub soo dhawee waa hees isu dhamaystiran oo aan wax dhaliila ah oo la sheego laga soo heli karin.Hal-abuurku midho wanaagsan ayuu falkiyay, laxan wanaagsan iyo cod toolmoon ayaa lagu ladhay, muusiguna waa mid jamasho leh.

HALKAN KA DAAWO HEESTII NOLOSHA CUSUB SOO DHAWEE

Cali Sheekh Maxamed Cabdi “Cali Ileeye”

E-mail:caliileeye@hotmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply