GUUDMAR: Taariikhda Abwaan Xasan Qawdhan

GUUDMARKA BAAL-TAARIIKHEEDKIISII:f wuxuAbwaan Xasan Qawdhan Yuusuu ku dhashay magaalada Hargeysa, badhtamihii 1944-kii. Tacliintiisii Qur’aanka wuxuu ku qaatay malcaamaddii macallin Saqadhi ee ku taallay Haadaanta, Hargeysa. Ka-dib, waxa uu galay dugsigii Riis, kaas oo uu dhiganayay illaa iyo uu ka gaadhayay fasalka 4-aad, hase-yeeshee aanuu heerkaas u sii dhaafin, sababo la xidhiidhay; isaga oo shaqo tegay. 

Weel maydhe ayuu ka bilaabay, isaga oo la shaqayn jiray qolyo caddaan ah. Aabbihii oo ahaa Geology-ga darteed, waxa uu u geeyay nin Hanti la odhan jiray oo caddaan ahaa uu Booy u noqday, markii dambena Cook buuxa uga dallacay. 1961-kii, ayuu Xamar tegay, isaga oo ka hawl-galay hay’adda USAID.  1972-kii, ayaa Xasan Qawdhan Kacaanku u taxaabay xabsiga, isaga oo wax ka uriyay heesta; ‘Maxaad sheekadeennii nacas!’, 3 bilood iyo 19 habeen oo uu ku xidhnaa meel ka dambaysay Bar FIAT-na, waa la sii daayay. Dabayaaqadii sannaddaas ayuu u dhoofay waddamo ka tirsan Afrikada dhexe iyo ta koonfureed, sida, Malawi, Zambia iyo Mozambique. Xirfadihii uu yaqaanney ee Plumber-nimada (tuunbiistenimada), cunto-karinta iyo  darawalnimada, oo uu ku darsaday mid waayaha iyo duruufuhu bareen oo turjubaannimo ayuu meelahaas kaga shaqeeyay. Wuxuu kobtaas uga sii gudbay dalka Sucuudiga oo uu isna ka soo laabtay 1981-kii. 1981-1988-kiina waxa uu ka hawl-geli jiray xarumihii hay’adihii USAID iyo MSF, illaa dagaalladii hubaysnaa qarxeen. Dib ugu soo noqoshadii Somaliland iyo intan ay dhisnaydna, waxa uu degganaa Hargeysa, isaga oo shaqooyin darawalnimo oo gaar-ahaaneed ku shaqaynayay.

Abwaan Xasan Qawdhan waxa uu markii ugu horreysay guursaday 1960-kii, isaga oo 15 jir ah, wuxuu se yeeshay 4 xaas oo uu Ilaahay uga calfay 9 ubad ah (5,2,1,1). Marka laysku daro ubadkiisa iyo intay sii dhaleenna, waxa Alle mahaddii ah inay wadartoodu tahay 23.

HAL-ABUURNIMADIISII

Sida uu Xasan Qawdhan ku xusay xog-warran aanu la yeelannay, illaa yaraantiisii wuu jeclaa fanka, waanuu taageeri jiray. Hargeysa iyo Xamarba, waxa uu ahaa bulshada mar walba la ollagga ah goobaha dafka iyo darammalka. Tegistiisii Xamar, ma jirin Theatre-ku, sidaas darteed wuxuu dhaqan u lahaa inuu Fiyooreha aado. Walow aanuu garanayn sifaha iyo siyaalaha ay midhihii ballaysinka u ahaa miidda iyo maaxda maansadiisu ugu abuurmeen, habeen ka mid ah habeennadii 1967-kii ayay ku dhasheen meerisyadii u horreysay ee uu hal-abuuray. Waa hees ay tuducyadeeda ka mid yihiin kuwan soo socda, uuna laxanka saaray, qaadayna, Maxamed Nuur Giriig:

“Meeqaa nin mudan,
Oo miigganaa,
Intaad maamusheen,
Miidaamiseen;”

Isla sannadkaas ayuu curiyay Riwaayad qaan-gaadh ah oo ku suntanayd; Annagoo waalan, waagu noo beri. Jilayaashii laf-dhabarta u ahaa masrixiyaddaas waxa laga xusi karaa; Maxamed Saleebaan Tubeec, Axmed Maxamed Good ‘Shinbir’, Xasan Diiriye, Maxamed Jaamac Joof, Axmed Mooge Liibaan, Marwo Maxamed ‘Gaasira’ iyo qaar kale oo badan. Labeenta heesihii Riwaayaddaas foolaadka u ahaana waxa ka mid ah; Diin god gal, God goray gal; Miidaamo dhego ma leh, Hadduu malag dhawaaqee, Magansaday wedkaygee; Anoo hurdaan, Hambaabiroo; Riyadii xalaytaan rumaystoo, Raaxaan moodoo riyaaqee. Waxa riwaayaddaas jile ka ahaa; Maxamed Saleebaan Tubeec. 1971-kii ayaa u xigtay, waxaanuu allifay Riwaayad lammaanaysay taas hore; Jacayl aan jid lahayn, iyo jaho looma dhaqaaqo. Sannadkii kaas xigay, 1972-kii, ayuu mar saddexaad alkumay masrixiyaddii la baxday; Ninna waal, Ninna waani, oo hannaan sandahan u socotay, sida se muuqata ku jihaysnayd Kacaanka. Muuse Ismaaciil Qalinle iyo Axmed Cali Cigaal ayaa jilayaasha tiir-dhexada u ah ahaa. Fanleydii kale ee Riwaayaddaas ka qayb-qaadatay waxa ka mid ahaa; Shankarroon Axmed Sagal, Sahra Siyaad, Maxamed Ayax iyo Maryan Mursal. Heesaheeda dhaxal-galka noqday ee cuddoonaa waxa laga sheegi karaa; Jalam Qalam; Dardaaran; Waan ku warramayaa, Kaa waaban maayee, naftaydaay; Adna gacaladaydaay, Aynu guri yagleelnee, Geestaada ila qabo; Adna laba lis caashaqa iyo qaar kale.
NB Taariikhdan Kooban waxaan ka soo Xiganay Bloga Wariye Barkhad Maxamuud Kaariye

W/Q. Mohamed S. Omar
Email: halabuur@hotmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply