Dadka u dhashay dalka suuriya ayaa waxa ay la liitaan dagaalada ba’an ee ka taagan dalkaasi ,dagaaladaasi oo sababay bara kaca malaayiin qof oo u dhashay dalkaasi .

Garsoorka dalka suuriya ayaa waxa uu soo saaray go’aan cusub oo ka yaabiyay dadka u dhashay dalkaasi ,garsoorka Dalkaasi ayaa waxa ay hir galiyeen go’aan cusub kaasi oo dadka suuriyaanka ee is guursada xataa haddi ay ku suganyihiin dalka dabadiisa in baraha bulshada ay garsoorku iskugu meheriin karaan isla markaana warqadooda meherka ay ka qaadan karaan safaarada dalkooda ee ku taala dalka shisheeye ee ay joogaan.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in dad suuriyaanka ah ee ku sugan dalalka aanay ku oolin safaarada Suuriya ay qoraal ay baraha bulshada ku soo diraan ku soo wakiilan karaan qaraabadooda ku sugan gudaha suuriya si loo dhamays tiro warqada guurka .

Go’aanka cusub ee ku saabsan guurka dad suuriyaanka ah ayaa waxa uu yimid kadib markii uu guurka Curfiga ahi ku dhex faafay dadka u dhashay Dalkaasi ee ku sugan dalalka shiisheeya ee aanay Suuriya ku lahayn safaaradaha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA