Guurka Waxa u Wanaagsan In la Isu Guuriyo Kuwa Is jecel Bal akhri Arinkan

new love

GAUURKA KAN U WANAAGSAN WAA KUWA IS JECEL Ibnu cabaas Rc wuxuu yiri:- Nin
ayaa u yimid Rasuulka CSW, oo yiri:- Rasuul Alloow waxaan ahay Waliga (Mas’uulka) Gabar Agoomad ah, Laba Nin ayaa soo Doonatay Midkood uu yahay Maalqabeen, Midka kalena Miskiin Gacan Maran, Marka Waxaan Dooneynaa inaan Siino kan Maalqabeenka ah,

laakiinse iyadu waxey Dooneysaa Midka Saboolka ah, kolkaas ayaa Nabiga CSW,
ku yiri Ninkii:- Guurku wuxuu Munaasib u yahay Dadka is Jecel ee is Raba.
(waxaa wariyey:- Ibnu Maajah).
FIIRO GAAR AH.

Guurka sidiisaba waxaa wanaagsan mid ay Labada Ruux ay isku doortaan Dooq,
midka Waalidka isku keeno Labada Ruuxm in kastoo uu Wanaagsan yahay, balse
Badanaa wuxuu ku Dhamaadaa Guul Daro, iyadoo midba midka kale uu
Dhahaayo:- (Awalba ma anaa ku Rabay waa leygu kaa Qasbay, Dooqeyga maba
tihid Adigoo Fool Xumadaas leh). sidaas darteed Rasuulka CSW, wuxuu ina Faray
in Labada is Rabta la isa siiyo, iyadoo aan loo Fiirin Maalqabeen iyo Faqiirtinimo.

suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply