Ha Gaboojin Naftaada– Talo Iyo Waano Aad U Baahan tahay

Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool haddii ay geeridu fursad siiso. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne la’aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn. Carabtu waxay ku maahmaahdaa “Atacab bacda raaxa” oo ka dhigan daal ka dib in raaxo jirto. Haddii ay timahaagu madow yihiin waa marka ay caddaan doonaan. Haddii jidhkaagu is haysto waa kolka uu debci doono. Haddii ay maskaxdaadu si hufan u shaqaynayso waa xilliga ay tabcaan noqon doonto. Haddii aad socodka laba lugoodinayso waa marka aad tukube qaadan doonto amma aad u baahan doonto caawiye.

Marka laga yimaado gabowga uu waqtigu keeno, waxa jira gabow uu qofku isu keeno. Kollay waxaad hore u maqasheen, “Hebel wuu cimri degdegay.” Waa odhaah tilmaamaysa qof ka soo hor maray xilligiisii gabowga. Waxa jira arrimo badan oo keena gabowga degdegga ah sida ay sheegaan bahda caafimaadku, kuwaas oo ay ka mid yihiin; cibaado la’aanta oo ay ugu mudan tahay salaad la’aantu, daroogooyinka uu qofku dabada isugu qabto, jimicsi la’aanta, baahida joogtada ah, galmada badan ee xaaranta ah (sinada) oo qofku xanuuno ka qaado, wererka iyo culuysyada (stress-ka) qofka maskaxda kaga furma.

Waxa inta badan la arkaa in qofba qofka uu ladan yahay amma wax roon yahay in noloshiidu ay bilic-roon tahay. In qofba qofka uu ka jimicsi badan yahayna inuu ka da’ yar yahay qofka aan jimicsida samayn. Maxaa yeelay, qofka beni’aadanka ah jidhkiisu waxa uu baahan yahay korriin, daryeel iyo ka war hayn joogto ah. Maaha inaad tidhaahdo hordo dheer ayaan seexanayaa, inta aan doono ayaan fadhiyayaa, wax kastana waan cunayaa. Qofku waxa uu ka samaysan yahay lafo, jiidh iyo muruqyo isku dhisan. Meel kasta oo qofka ka mid ah waxa ku jira muruq iyo laf iscaawinaya. Labaduba waxay u baahan yihiin xannaanayn iyo ka warhayn joogto ah. Muruqyadu waxa dawo u ah inay helaan jimicsiyo kala duwan oo dhisa, isla markaana tayeeya shaqadooda iyo adkaysigooda.

Haddii aynu tusaale u soo qaadanno, dadkeenna badankoodu ma sameeyaan jimicsi joogto ah marka laga reebo qayb yar oo ka mid ah. Waxa aad arkaysaa qof in ka badan laba iyo toban saacadood qayilaya oo meel fadhiya, marka uu qayilaada dhammaystana seexanaya oo saacado kale oo badan hurdaya. Ma waxa uu u haystaa inuu bir yahay amma dhagax-dixeed? Imisa xanuun ayaa qofka noocaas oo kale ah ku dhici kara? Waa qaladaadka ay dadkeennu sameeyaan ee u baahan in laga wacyi geliyo…… La soco Qabta Danbe…………..

Qalinkii: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

Faalo Ka Dhiibo

comments