Talooyinkan oo ku habboon in uu daraaseeyo ruux kasta oo ku sii socda in uu siyaasadda ku biiro, maqaalkan ayaa ka yimi talooyin uu siyaasiga Ignatieff ee reer Kanada siiyey nin dhalinyaro ah oo doonayey in uu siyaasadda ku biiro.

Michael Ignatieff waa qoraa, saxafi, bare-sare oo jaamacadeed iyo siyaasi hore. Waxa uu mar ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Liberal Party ee dalkaas, laakiin muddadii uu hoggaamiyaha siyaasadeed ahaa waxa uu la kulmay hagardaamo badan iyo in uu xisbigiisa gaadhsini kari waayey guulo dhinaca doorashooyinka ah, taas oo keentay in uu iska casilo siyaasadda, dibna ugu noqdo dunida waxbarashada iyo qalinka.

Ninkan dhalinyarada ah oo waayoaragnimo bidayey, ayaa go’aansaday in inta aanu hawlaha siyaasadda lugaha la wadagelin, uu talo iyo tusmayn waayeel weydiisto Ignatieff oo aynu nuxurka taladii uu bixiyey sidan ku soo koobnay.

  1. Inta aanad siyaasadda gelin waa in aad jawaab u hesho sababta aad u doonayso in aad siyaasi noqoto. (Ha dagsoomin beenta ay dadka qaar ku andacoodaan ee ah, in ay doonayaan in dalka la wanaajiyo in dadka wax loo qabto).

Siyaasadda u gal himilo fog, haddii ay doonto ha noqoto mid mararka qaarkood lagu qoslo (Lala yaabo), waa se in aanay noqon uun taas caadada noqotay ee aan soo xusay.

  1. Siyaasadda ha gelin haddii aanad u bislayn loollanka iyo dagaalka siyaasiga ah; dhaliisha iyo weerarka siyaasadda ee laguugu soo qaadayana ha u qaadan in adiga qof ahaantaa loo dan leeyahay, balse u arag in keliya booska aad joogto lagaa cidhiidhsanayo ama laguugula loollamayo. Siyaasiga guulaystaa waa ka kala sooci kara qofka mucaaradka ku ah siyaasaddiisa ama loollanka xilka la xidhiidha kula jira iyo qofka cadowgooda ah
  2. Ha noqon daawade ee noqo ciyaaryahan; siyaasadda ha ku noqon sida qof shaqaale ah hadba wixii loo diro uun qabanay, xaalka guudha dusha ka daawanaya.
  3. Siyaasaddu waxa ay meherad u tahay dad aan mar keliya ka daalayn dhalleecayntaada iyo dhaliilista fikirkaaga, marka ay siyaasadda tahay, labada jid oo keliya ayuun baa kuu furan; wax iska dhici ama dhabbada cagta saar (baxso).
  4. Weligaa iska jir in mucaaradkaagu ay sheekadaada iyagu ka sheekeeyaan. Haddii aanad adigu naftaada u hadli karin ka joog siyaasadda oo shaqo kale iska raadso. Haddii aanad difaaci karayn noloshaada shakhsiga ah, marka ay dadku soo weeraraan, waxaa jira nololo kale oo badan oo aad dooran karto ee iska raadso taas aan u baahnayn is-qaawintaas mutuxan.
  5. Siyaasadda la iskama dhegeysto, la iskumana dhaliilo, dood iyo xujo niyadwanaag iyo daacadnimo ku dhisan. Dadka ku dhaliilayaa, inta ay wax ka sheegayaan hadalka aad odhanayso, waxaa ka badan, inta ay diidanyihiin xaqa aad uba leedahay in aad wax sheegto, shakhsi nacayb dartii.

Haddii taas shaki kaaga jiro bal waxa aad eegtaa liiska laba wajiilayaasha, danaysteyaasha, khaayimiinta, tuugta, beenaalayaasha iyo dadka shakhsi ahaan liita ee aanad ku arkayn wax lagu aamino, haddana dadka cod ka mutaysta.

Sababta oo koobani waa, in dadka / codbixiyeyaasha laftoodu ay sidiisan u badan yihiin, sida awgeed kan la midka ah ayaa ay sida muryaayadda isaga dhex arkayaan, markaas ayaa ay humaaggooda jeclaanayaan.

  1. Hubi in farriintaadu ay sida aad u rabto u gaadhayso dadkaaga. Sababta ugu badan ee dhaliisha keentaa ma’aha farriinta uu siyaasigu gudbinayo, balse mar kasta ceebtu waa cidda uu sii marinayo farriintiisa ee dadka u gudbinaysa.
  2. Dadka ku dooda in ay siyaasaddu jilid tahay, waa ay qaldan yihiin, waayo jilaagu qof / shakhsiyad kale ayaa uu metalaa, laakiin siyaasigu naftiisa ayaa uu u taagan yahay. Laakiin jilaaga iyo siyaasigu waxa ay iskaga eeg yihiin waa in labadooduba ay masrax la wada daawanayo taagan yihiin.
  3. Haddii aad magac iyo xurmo ku heshay guulo aad ka gaadhay shaqooyin kale oo aad qabatay iyo xirfad aad leedahay, sida saxaafad, dhakhtarnimo, askarinimo ama ganacsi, ha u qaadan in aad ula soo guuri karto siyaasadda.
  4. Xilka siyaasadeed iyo mansabyadeeda sare laguma gaadho karti, garaad iyo fariidnimo, maal iyo magac ama aqoon iyo waxbarasho sare. Dadka sidaas aaminsani waa kuwa ugu badan ee siyaasadda ku guuldarraysta. Waayo, waxa ay illowsanyihiin in qofku uu gaadhi karo mansab iyo awood aanu u qalmin ama xaq u lahayn.

Faa’iidada ugu weyn ee ay dimuqraadiyaddu leedahay ayaaba ah in maalqabeenka iyo dadka magaca leh oo keliyi aanay talada gacanta ku wada dhigin.

  1. Siyaasaddu ma’aha ma doorsoome, leh go’aamo mar inta la qaato abid lagu tanaado, waa subax kasta iyo isha ay leedahay uun ku go’aan qaado. Siyaasiga guulaystaa waa ka kala yaqaanna, marka ay tahay in uu ku qanco jabka roodhida ah iyo marka ay tahay in uu ku adkaysto in moofada (Warshadda furinka) oo dhan la wada siiyo. Waa ka kala garanaya marka ay tahay in uu ku dheggenaado aragtidiisa iyo in uu go’aankiisa socodsiiyo iyo marka uu ku qasban yahay in uu dadka dhegeystaan.
KA DHIIBO FIKIRKAAGA