Biyuhu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaataan hoos u dhiga miisaanka qofka sidoo kalana waxa ay jidhka ka ilaaliyaan qalaylka waxa kale uu jidhku dareema firfircooni dheeraad ah mar kasta oo qofku uu biyaha cabo.

Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu uga digaan dadka in aanay biyaha cabin hurdada ka hor sababtuna waxa ay tahay in biyaha la cabo marka la sii seexanayo ay sabab u yihiin miisaanka oo kor u kaca .

Sidoo kale biyaha uu qofku cabo hurdada ka hor ayaa waxa ay sabab u noqonayaan in uu qofku seexan waayo hurdo wanaagsan isla markaana waxa uu marar dhawr ah u kacayaa sidii uu u gali lahaa Suuliga.

Waxa haboon in uu qofku cabo biyaha inta aanu seexan saddex saacadood ka hor sidoo kalana uu cabo ilaa iyo sideed koob oo biyo ah qofka jecel in uu miisaankiisa dhimo.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA