Dad badan ayaa waxa ay isku dayaan  in marka ay Hindhiso qabato in ay isku celiyaan Hindhisada.

Haddaba deraasadd la soo saaray dhawaan oo lagu baahiyay barta Internet-ka ee BMG CASR REPORTS ayaa waxa lagu xaqiijiyay in arrintaasi ay sababi karto in dhaawacyo soo gaadhaan cunaha iyo sidoo kale Durbaanka dhagaha .

Khubarada soo bandhigay deraasaddan ayaa waxa ay sheegeen in intii ay wadeen diyaarinta deraasaddaasi ay la kulmeen nin ay da’diisu tahay 34 jir ah oo si degdeg ah loo geeyay qaybta Emergency- ga ee dhakhtarka Magaalada Leisecter la keenay kadib markii uu ninkaasi isku dayay in uu Hindhisada isku celiyo isla markaana ay aad u barartay qoortu.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa haboon in qofku uu ku dedaalo in aanu marnaba Hindhisada isku celin si aanay halis u galin naftiisu.

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office

KA DHIIBO FIKIRKAAGA