Deraasadd cusub oo dhawaan laga soo saaray Dalka Germany ayaa waxa lagi xaqiijiyay in cuntooyinka fududi ay waxyeelo gaadhsiiyaan difaaca jidhka isla markaana ay hoos u dhigaan.

Cuntooyinka fudud

 

Cuntooyinkaasi ayaa waxa ay sabab u noqon karaan in ay qofka haleelaan cuduro badan kuwaasi oo halis galin kara noolosha qofka ,deraasaddan oo ay soo saareeb khubaro ka tirsan jaamacada Bourne ee Dalkaasi Germany ayaa waxa lagu cadeeyay in sababta hoos u dhigaysa difaaca jidhka ee qofka caadaysta cunista cuntooyinka fudud ay tahay in ay cuntooyinkaasi ay leeyihiin dufan xad dhaaf ah .

Cuntooyinkaasi noocaasi ah ayaa waxa aad looga isticmaala dalalka reer galbeedka waxa aanay dhakhaatiirtu hadd iyo jeer dadka uga digaan dhibaatooyinka caafimaad ee ay cuntooyinkaasi leeyihiin.

Deraasaddan ayaa sidoo kale waxa lagu cadeeyay in ay cuntooyinkaasi sababaan Cudurka Macaanka iyo sidoo kale xinjirawga dhiiga,guud ahaanba dadja cuntooyinkaasi cuna ee caadaysta cunistooda ayaa waxa la xaqiijiyay in caafimaadkoodu uu halis ku jiro waxa aanay dhakhtiirta deraasaddan soo bandhigay ay guud ahaan dadka caalamka ku nool kula taliyeen in ay yaraystaan cunista cuntooyinkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA