Waxa jira dad badan oo caadaystay cabista bunka waxa aamay dadkaasi ku dedaalaan sidii ay bunka u cabi lahaayeen subaxa hore marka ay hurdada ka kacaan,waxa aanau dadkaasi aaminsanyihiin in aanay indhahaba kala qaadi karin haddi aanay cabin bunka.

Gobolo ka tirsam dalka Maraykanka ayaa waxa ay uga digeen dadka ku nool in ay iska yareeyeen cabista bunka kaasi oo ay sheegeen in uu sababo cudurka Cansser-ka.

Sidaasi awgeed ayaa waxa ay Maxkamad ku taala Gobolka California ee dalkaasi bilawday dacwad ka dhan ah Bunka ,dacwadan ayaa waxa ay culays saaraysaa Mulkiilayaasha Maqaaxiyaha Bunka kuwaasi oo haddi uu baadhitaanka socda ee ah in Bunku sababo Cudurka Cansser-ka la ganaaxi doono haddi ay dadka macaamiisha ah uga digi waayaan dhibaatada uu bunku ku leeyahay caafimaadka .

Talaabadani ayaa waxa dhan ka ah isla markaaba bilaabay golaha la dagaalanka sunta ee Gobolkaasi waxaanu go’aaankaasi haddi uu hir galo sababi karaa in mulkiilayaasha Maqaaxiyaha Bunka lagu soo rogo ganaax lacageed haddi ay joojin waayaan iibintiisa .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA