Deraasadd ay dhawaan soo saareen khubaro ka tirsan Jaamacada Uppsala ee Dalka Sweden ayaa waxa lagu xaqiijiyay in soo jeedka Habeenkii ” Saamalaylku” uu hoos u dhigo Xasuusta qofka.

Deraasadsani ayaa waxa ay sidoo kale cadaysay in haweenka ay ragga ka adkaysi badan yihiin dhinaca soo jeedka habeenkii waxa aanay khubaradaasi sheegeen in soo jeedkaasi ay ka dhalaan karaan dhibaatooyin caafimaad oo soo waajaha qofka caadaysta ‘Saamalaylka”.

Khubaradaasi soo bandhigay deraasaddani ayaa waxa ay cadeyeen sidoo kale in qofka caadaysta soo jeedka habeenkii haddi uu baabuur kaxeeyo halis u yahay in uu galo shilal halis ah .

Soo jeedka habeenkii ayaa waxa uu sidoo kale hoos u dhigaa awooda xasuusta qofka waxaanay khubradaasi soo jeediyeen talo ah in uu qofku ku dedaalo hurdada habeenki,kuna dadaali in uu habeenkii seexdo 7 saacadood.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA