Halkan Ka Daalaco Arimaha uu Necebyahay ama Jeclaysto Qofka Jacaylku Hayo !!!!

Dadka Arimiha Jacaylka ka faalooda ayaa Sheegay inay Jiraan Waxyaabo Badan oo Qofka Jacaylku ku dhacay Necebyahay ama Karho isla Markaana aanu ka Qaadan Cidii kula Talisa lagana yaabo inuu aad u qadarinayo Qofkan wax u sheegaya

Taas oo laga yaabo inuu qofkaa talada siiyey uu necayb uqaado Shantan arimood ee lagu soo ururiyey Nuxurka Waxaa ka mida

1. In Qofku Cida uu Jecelyhay ee Naftiisu Raacday uu Necebyahay in Dhaliilo laga Sheego waxaanu cidkasta oo uu ka maqlo Hadalo ama Ficilo Nuucaasa ka Maqlo uu u Qaadaa Colaad

2. Qofka uu Jacaylku Hayaa waxa uu Necebyahay Dhex galka Dadka oo wuxuu Noqdaa Qof Bulshada ka Gaara oo Gooni socod ah Xaaladan waxaa Lagu Sheegaa inay Tahay inuu Qofku ku jeclaysanayo inuu helo wakhti badan oo uu kaga fikiro Ruuxa uu jecel yahay waxaanay ku keentaa inuu gooni joog noqdaa sidoo kalana waxa uu karaahaystaa sheekooyinka badan ee bulsahada uu la yeelan lahaa iyo kaftanada Qaarkood

3. Qofkaasi waxa uu necebyahay Hawlaha shaqo ee loo diro wakhtiyada uu rajaynayo inuu arko Qofka uu Jecelyahay

4. Qofka wax jeceli waxa uu Necebyahay Dhibaato inay ku timaado Meelaha uu Xidhiidhka kala sameeyo cida uu jecelyah ama wax ciladi ku yimaadaan sida Telefoonada, Internetka, Goobaha Kale ee uu ku arki karo Fursad ahaan

5. Ruuxa wax Jeceli Marka uu Joogo Meel uu ku suganyahay Qofkii uu jeclaa ama uu rajada ka lahaa ma jecla in ay ka dhacdo wax dhibaato ah, Aflagaado, Dacaayad ah, sidoo kalana waxa uu Qofkaasi uu Necbaystaa Talooyinka ay ka midka yihiin ama waanooyinka ay ka midka yihiin, shaqayso, Waxbaro, Seexo Naftaada haku lumin kana Tasho

Waxyaabaha kale ee ku Xeeran Qofka wax jecel wuxuu noqdaa Qofkaasi Midaan Jeclaysan Wax Cunista, Hadii aanu Arkin Cidii uu Jeclaa oo waxaa ku dhaca Cunto Xumo dhinaca talada waalidka iyo dadka ka Waawayn iyo Saaxiibadiina uma Arko Xal ee waxa uu dareemaa inay cadaadis ku shameynayaan waxaanu ka jecelyahay in la amaano ama looga Sheekeeyo Qofka uu Jecel Yahay wanaagiisa Guntii iyo Gaba Gabadii waxay Soomaalidu tidhaah Nin meeli u Cadahay Meeli Ka madaw

SuxufiGadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply