Halkan ka daawo Hees Cusub Hodan Cabdiraxmaan iyo Iskalaji (Jidhiidhico)

Heestan Jidhiidhico waa hees ka mida heesaha Casrigan ee ay ku heesaan guud ahaan Fanaaniinta Soomaalidu kuwa ugu horeeya Qof kasta oo dhagaystaana uu ku raaxaysanayo Ereyada Macaanka badan ee ay is waydaarsanayaan Labadan Fanaan ee ku Dhaqan Cariga maraykanka Heestan oo muuqaalkeedu soo baxay dhawaan ayaa inta aan muuqaalka heesta la gaadhin fadlan nala dhuux Ereyadan Hoos ku xusan ee uu sameeyay Abwaanka Farshaxanka  waa Abwaan Maxamed Ahmed Guun   

Iskalaji
Inanyahay Jamaalkiyo
jalaqsanida u dhalataay

Hodan
inanyahaw jidh iyo xoog
joogu uu u dheeryahay

    Iskalaaji
jaleecadaan ku eegaba
indhuhu kaama jeestaan
waanan kuu jiribanahay

 Hodan
jidhidhico kalgacalbaa
Jidhka lay dhax rooroo
Ijibaaxay Awgaayee

Iskalaaji
Inaan wada jiraayoo
wada joogno abidbaan
Inan yahay Jeclaystee
Jal Ma wada Ahaanaa

        hodan
Jibaadka iga baxayaa
Jacayl dhaba weeyee
Jibaan Adiga kuu Qabee
Jawaabtaydu waa haa haa
jawaabtaydu waa haa

 Iskalaji
Jawharad la Moodyeey
Jeegaan Sideedaay

  Hodan
Jajabnaanta Caashaqa
iyo jaaha nuurka leh

    Iskalaji
Isoo jiidataayoo jeex
iga midaadtahaye
Nacab yuu nakala Jarin

    Hodan
Ayaan kugu Jeclaystee
Axdigoo aan jabiyo
Jikaar hayga filan

 

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply