HALKAN KA DAAWO SILSILADII GABAYADA JACAYLKA AH EE ( MUXUBO HEELOOD)

waa silsilad gabayo jacayl ah oo aad udheer Muxubo heelood waxay ka sheekaynaysaa Qiso jacayl ah oo dhab ah dhacdayna.
Maxamed Cali Cartan ( Hal-deeq ) waa Abwaan wayn waana Qoraa Haldeeq Waa Ninka ay Qisadani jacaylka ahi Qusayso
Abwaan Maxamed Cali Cartan waa abwaanka bilaabay gabayga ugu horeeya ee silsiladani ka dhalatey gabaygaas oo ah ( Muxubo Heelood) silsiladan waxa ka qayb galey 26 Abwaan oo kala jooga jooga dacalada dunida kuwaa oo laba ka midi ay ahaayeen haween
silsiladan waxaa si taxana aad ugala socon kartaan shabakada hawraar murti & madadaalo waxaana soo gudbin doona wariye Ruug Cadaa ah Sidiiq Maxamed Burmad isla markaana ah Abwaanleh Heeso Badan iyo Gabayo oo aanu aad ugaga mahad celinayno wakhtiga uu u hurey shabakadan iyo dadka ku xidhanba

HALKAN KA DAAWO QAYBTA 1AAD EE SILSILADA

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply