Halkan Kadaawo Taageerayaal Tukri ah oo ka Gadoodsan Xaalada Qaza oo Galalafay Ciyaar Dhexmaraysay Laba Naadi

Kulan Saaxiibtinimo oo wadanka Austria ku dhexmaraayey labada naadi ee Maccabi Haifa iyo Lille ayaa mar qudha joogsatay ka dib markii taageerayaal dhacadhowday dhibaatada yuhuudu ku hayso Dadka Falastiiniyiinta ha mar qudha kubilaabay ciyaaryahanada kooxda Maccabi Haifa oo ka dhisan wadanka Isra’il ee Yuhuuda Iyadoo ay ciyaarta ku hogaaminayso kooxda Lille 2-0, taageerayaal gadoodsan oo la sheegay inay u badnaayeen dad u dhashay wadanka Turkiga ayaa soo dhex gallay garoonka oo feedh iyo garaacis ku bilaabay ciyaaryahanada naadiga Maccabi , oo uu ku jiray kabtanka kooxda ee Yossi Benayoun, xidigii hore ee kooxaha Chelsea, Liverpool iyo QPR.

NEWS : Altercation Lille vs Maccabi Haifa - 07/23/2014Mid kamid ah ciyaaryahanada ayaa la arkayay iyadoo uu laag xoogan ku dhufanayo qof taageere ah, iyadoo xidigaha kooxda Yuhuuda ah ee Maccabi – oo qaar kalena weerarku qabsaday – laakiin garoonka ka baxay iyagoo aan midkoodna dhaawac daran qabin.

HALKAN KADAAWO VEDIO GA

NEWS : Altercation Lille vs Maccabi Haifa - 07/23/2014Tababaraha kooxda Maccabi coach Aleksandar Stanojevic ayaa sheegay in laftiisa qof dadkii cadhaysnaa kamid ah feedh ku garaacay.

Garsoorihii ciyaarta ayay qasab ku noqotay inuu soo afjaro ciyaarta oo aan gaadhin wakhtigii dhamaadka , wakhtigaasna maraysay daqiiqadii 86 aad.

NEWS : Altercation Lille vs Maccabi Haifa - 07/23/2014Boodhadh lagu soo xardhay halku dhegyada , Ha xorowdo Falastiin ayaa sidoo kale garoonka lala soo gallay .

Israel ayaa wakhti xaadirkan si arxan daran hubka culus ugu garaacaysa deegaanada shacabka Falastiin ee ay xooga ku joogto.
Ka hor intii aan xaalada garoonku isu rogin furin dagaal, waxaa goolasha labada ah u horseeday kooxda Lille ciyaaryahanada Ryan Mendes iyo Simon Kjaer.

NEWS : Altercation Lille vs Maccabi Haifa - 07/23/2014Bishii hore ayay xidhiidhka kubada cagta Yurub ee UEFA soo saareen go’aan ka mamnuucaya kooxaha Yuhuuda ah inaanay marti gallin karin ciyaaraha Yurub sababtoo ah qalalaasaha ka aloosan wadanka Israel.

Faalo Ka Dhiibo

comments

One Response to Halkan Kadaawo Taageerayaal Tukri ah oo ka Gadoodsan Xaalada Qaza oo Galalafay Ciyaar Dhexmaraysay Laba Naadi

  1. turkida yaa loogu qaaday carabta waa rag dhiige lame sucuudigii iyo iskutagii carabta waxaa naageeyey reer galbeed iyo maraykanka wa taas carabi halkaas artay ilaahay kaha tulqaado falastiiniyiinta dhibta yuhuudana haduleeyo

Leave a Reply