Gabayaagii Carbeed ee magiciisa la odhan jiray Cantara Bin shadaad ayaa waxa uu caan ku ahaa Gabayadii Jacaylka ahaa ee  uu  u tirin jiray Gabadhii ay ilaamdeerka ahaayeen ee magaceeda la odhan jiray Cabla.

Gabayada Cantara Bin Shadaad ayaa ah kuwa ilaa iyo Haatan lagu dhigo Dugsiyada Dalka Sucuudiga,Cantara ayaa waxa uu aad u jeclaa gabadh Magaceeda la odhan jiray Cabla .

Cabla oo ahayd Gabadhii uu aadka u Jeclaa Cantara ayaa waxa uu magaceedu ka dhex muuqdaa Gabayada kala duwan ee Cantara uu u tiriyay.

Cabla ayaa waxa ay ahayd Cantara Inaadeertii waxaana lagu tilmaamay in ay ahayd Gabadhii ugu fariidsanayd uguna maskaxda badnayd haweenkii halkaasi ku noolaa ,Cantara ayaa sidoo kale ahaa Gabayaa xikmad badan Ilaahay SWT ku manaystay isla markaana waxa uu ahaa Dagaal yahan ka dhex muuqday Raggi ay wada noolaayeen.

Haddaba Goobtii ay ku noolaan jireen Cantara Bin Shadaad iyo Inaadeertii Cabla ayaa waxa ay ku taalaa Dalka Sucuudiga waxaana Magaceeda la yidhaahdaa Tuulada Al-qusayba,Tuuladani ayaa waxa ay 65 km  U Jirtaa Magaalada Burayda ee Dalkaasi waxa aanay ka xigtaa dhinaca Waqooyi .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA