Halkee Buu Madaxwayne Obama Ku Noolaan Doonaa Marka Uu Ka Tago Aqalka Cad

Madaxweyne Obama ayaa isku diyaarinaya in goor dhow ka baxo isaga  iyo qosykiisu aqalka Cad ee Mareeykanka looga arimiyo marka lasoo doorto madaxweynaha Xiga.

Hadaba Obama iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Qasri aad u qurux badan looga diyaariyay deegaanka Kalorama oo ka tirsan magaalada Washinton.

Obama iyo qoyskiisa ayaa Qasrigan oo ka sameysan Dhagax qurux badan  cabirkiisana lagu sheegay 790 Mitir Square degi doona, sidoo kale waxaa la sheegay in Qasriga uu aqalka Cad u jiro 2 Mayl iyo badh kaliya

Inkastoo Obama uu Guri weyn ku leeyahay magaalada Chicago, hadana wuxuu xaqiijiyay in asiga iyo qoyskiisa ay sii deganaan doonaan magaalada Washington, ilaa iyo inta gabadhiisa  Sasha oo 14 jir ah ay ka dhameeysaneyso waxbarashadeeda.

 

Qasriga cusub ee uu degi doono Obama ayaa waxaa lagu qiimeeyaa $6 Million, wuxuuna ku yaalaa deegaanka ay ku yaalaan safaaradaha ugu badan ee Kalorama.

Deegaanka uu ku yaal Qasrigan maahan meel soo jiidasho leh oo qurxan, waa meel ay ku badanyihiin sirdoonka, sidoo kale waa meel ay ku yaalaan Geedo qalalan.

Qasrigan ayaa waxaa leh afhayeenkii hore ee aqalka Cad xiligii  Bill Clinton, ninka lagu magacaabo Joe Lockhart.

 

 

160525142925-obamas-house-1-exlarge-169160525143007-obamas-house-2-exlarge-169160525143029-obamas-house-3-exlarge-169160525143046-obamas-house-4-exlarge-169160525143107-obamas-house-5-exlarge-169160525143129-obamas-house-6-exlarge-169160525143149-obama-house-7-exlarge-169160525143218-obama-house-9-exlarge-169160525143238-obama-house-10-exlarge-169160525143256-obama-house-11-exlarge-169160525143312-obama-house-12-exlarge-169160525143327-obama-house-13-exlarge-169160525143536-obama-house-14-exlarge-169160525143605-obama-house-15-exlarge-169160525144122-obama-house-16-exlarge-169

Faalo Ka Dhiibo

comments