Dad tira badan oo Ajaanib ah ayaa waxa ay u dalxiis tagaan Dalka Senegal kuwaasi oo u daawasha taga kaymaha Cagaaran ee Dalkaasi leeyahay.

Kaynta lagu kufsaday haweenka

Afar haween ah oo u dhashay Dalka Spain oo u dalxiis tagay Dalkaasi ayaa waxa lagula kacay kufsi aad u fool xun,haweenkani ayaa waxa lagu dhex kufsaday kayn ay u daawasho tageen.

Haweenkani ayaa waxa wehelinayay hal nin oo u waday baabuurka ay saarnaayeen waxaana soo weeraray ragg hubaysan sida ay baahisay Wakaalada Wararka ee France .

Raggaasi hubaysnaa ayaa waxa ay boobeen wixii gaadhiga u saarnaa haweenkasi intaasi kadibna waxa ay haweenkaasi la galeen kayntaasi,kadib markii ay kufsadeen ayaa soo daayeen .
Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha debadda ee Dalka Spain ayaa sidoo kale sheegtay in ay jiraan afar dalxiisyaal ah oo u dhashay Dalkaasi balse wax faahfaahin kamuu bixin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA