Haweenay u dhalatay Dalka Switzerland ayaa waxa lagu eedeeyay in ay akhrisatay fariimaha gaarka ah ee sayigeeda loogu soo diro Email-kiisa gaarka ah.

Haweenaydan ayaa waxa lagu xukumay ganaax lacageed oo dhan 10,000 oo Dollar,kadib markii ay akhrisatay fariimaha u gaarka ah sayigeeda isaga oo aan ogayn .

Wakaalada wararka ee Sky News ayaa baahisay hadal ka soo yeedhay haweenaydaasi waxaana ka mid ahaa hadaladeedii ” Sayigaygu waxa uu in muddo xidhiidh jacayl ah la waday dumar kale oo tira badan “.

Haweenaydan oo lagu eedeeyay in ay jabsatay Email-ka u gaarka ah sayigeeda ayaa arrintaasi diiday waxa aan ku tilmaantay in ay been abuur tahay ,waxa kale oo ay sheegtay in ay haysay Kalmada sirta ah ee Email-ka sayigeeda sidaasina ay ku furatay kuna akhrisatay fariimihii ugu soo dhacay.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA