Waxa hubaal ah in qof kastaa habeebka arooskiisa uu jeclyahay in uu wajigiisa qurxiyo isla markaana uu arooskiisa ka muuqdo isaga oo waji qurxoon.

Sida uu noqday wajiga Walaa

Haweenay u dhalatay Dalka Masar ayaa waxa ay tagtii koofeer lagu qurxiyo dumarka haweenaydan ayaa waxa ay u diyaar garoobaysay xafladii arooskeeda,gabadhan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Walaa waxa aanay da’deedu tahay 33 jir waxa aanay ka shaqaysa bangi ku yaala magaalada Qaahira.

Walaa

Walaa ayaa waxa ay u diyaar garoobaysay arooskeeda oo dhici doona toddobaad kadib waxa aanay koofeerkaasi u tagtay si ay wajigeeda uga biiso dhibco madawa oo ku yaalay.

Walaa ayaa maamulka goobta qurxinta ee ay tagtay u gaar yeeleen dhakhtarad qurxinta wajiga ah si ay dhibcahaasi madaw uga biiso waxa aanay dhakhtaradaasi adeegsatay Lesar .

balse nasiib daro Walaa waxa ay ka soo baxday goobtii lagu qurxinayay wajigeeda oo is badalay isla markaana wada gubtay,waxaana halkaasi dib ugu dhacay xiligii uu arooskeedu dhici lahaa mana jirto muddo dambe oo arooskaasi loo xadiday.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA