Haweenka Dalka Sucuudiga ayaab xiliyadii hore loo ogolaan jirin ciyaaraha kala duwan ,waxaana ka mid ah ciyarahaasi Feedhka waxaana arrin aad u la yaab badan noqotay in gabadh u dhalatay Dalkaasi ay tahay feedhyahanada kaliya ee haweenka Dalkaasi oo dhan matasha marka ay arrintu noqoto dhinaca feedhka .

Feedhyahanada Duuna Al-ghamidi

Feedhyahanada U dhalatay Dalka Sucuudige ee ka qayb gasha tartanada feedhka haweenka ee caalamiga ah ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Duuna Al-ghamidi,Duuna ayaa waxa sanadkii hore ka qayb gashay Tartanka feedhka ee haweenka Carbeed loogu qabtay Dalkaasi Jordan sidoo kalana sanadki bilawga ah waxa ay ku guulaystay bilada Dahabka ah ee tartankaasi .

Duuna ayaa waxa ay da’deedu tahay 20 jir waxa aanay qaadanaysay tababara dhina a feedhka ah muddo 4 sano ah Duuna oo ka waramaysa dedaalka ay arrintaasi u soo martay ayaa waraysi ay siisay shabakada wararka ee Alarabia ayaa   waxa   ka mid ahaa hadaladeedii”guushani ma aha mid aayar aan gaadhay waxa aan soo maray dedaal aad u balaadhan afar sano ka hor markii aan bilaabay barshada Feedhka waxa uu miisaankaygu ahaa 155 kg balse markii aan 9 bilood waday waxa uu miisaankaygu noqday 90 kg maantana waxa uu miisaankaygu yahay 65 kg waana Ilaahay mahadii”.

Gabadhaasi yar ee 20 jirka ah ayaa waxa ay tahay Feedhyahanada kaliya ee haweenka ah ee uu leeyahay Dalkaasi Sucuudigu.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA