Haweenay Ku Caan Baxday U Dooditaanka Xuquuqda Aadamaha Dalka Iran Oo Si Kadis Ah U Geeriyootay !

Haweenaydii qaramada midoobay u qaabilsanaan jirtay Arrimaha xuquuqda aadamaha Dalka Iran una dhalatay Dalka Pakistan ayaa u geeriyootay si kadis ah .

Haweenaydaasi ayaa waxa magaceeda la odhan jiray Caasima Jahangir,Caasima ayaa waxa ay ku geeriyootay shalay oo axad ahayd Magaalada Lahur ee Gobolka Bengab ee dalkaasi Caasima ayaa waxa ay da’deedu ahayd 66 jir.

Caasima ayaa waxa istaagay wadnaha sida ay baahisay wakaalad wararka ee Pakiatan Tribune oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay,Jahangir ayaa waxa ay dhamaadkii bishii hore qarmada midoobay u soo bandhigtay warbixin ku saabsanayd xaalada Inaasniga ah ee hoos u sii dhacaysa ee dalka Iran .

Caasima ayaa waxa la aasi doonaa maalinta salaasada ee barito waxaana la sugayaa wiil ay dhashay oo dalka dabadiisa ku maqan isla markaana waxa lagu aasi doonaa garoonka kubada cagta ee magaalada lahur.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com