Haween u dhalatay Dalka Ruushka iyo Saygeeda ayaa waxa dalxiis ku joogaan Dalka Masar haweenaydan ayaa waxa ah lahayd Uur waxa aanay samaysay arrin aad cajiib u ah .

Haweenaydaasi iyo saygeeda ayaa waxa ay u dabaal tageen xeebta magaalada Dahab ee Dalka Masar Haweenaydaasi ayaa waxa ay fooshii qabatay xili ay ku guda jirtay dabaasha .

Waxaana ka umuliyay sida lagu baahiyay wakaaladaha wararka ee Dalka Masar Dhakhtar ku takhasusay Umulinta biyaha dhexdooda oo u dhashay Dalka Ruushka .

Umusha haweenaydaasi ay ku dhex umushay bada dhexdeeda ayaa waxa ay ka mid tahay arrimaha aadka ugu yar dunida ee aan inta badan dhicin waxa sidoo kale aad ugu yar Dunida oo aanay dadka qaarkood maqal dhakhaatiirta takhsuska u leh in ay haweenka kaga dhex umuliyaan biyaha .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA